Sifihii Soomaalida Gumaysiga ka hor-W/Q: Cali Cabdi Coomay

Hab-Dhaqankii Soomaalida Wakhtigaasi

Dadka soomaalidu may lahayn maamul ay ku midaysan yihiin, balse waxay ku tiirsanaayeen qaab-qabiil oo ahaa mag-wadaag ama tolnimo. Qabiilku wuxuu leeyahay nidaam u eeg qaab-dhismeed dawladnimo, oo bulshada lagu hogaamiyo. Iyadoo xeerarka lagu dhaqmayaa kala duwan yihiin. Xeerarkaasi waxay inta baddan ku salaysnaan jireen waayo-aragnimo hore u soo martay xeer-beegtida qabiilka. Hogaamiyaha qabiilku wuxuu masuuliyada ugu weyn saari jiray nabadgaliyada xoolaha, difaaca dadka, daaqsinta, beeraha iyo biyaha. Dadka soomaalidu waxay isugu jireen xoolo-dhaqato, beeralay iyo in yar oo kalluumaysto ahaa.
Beeralaydu waxay u badnaayeen dadka degan, WEBIYADA JUBA IYO SHABEELE. Dhinaca somaliland deegaanada GABILEY, KALABAYDH, WAJAALE IYO DILLA. Dagaalada ugu qadhaadhi waxay ka dhici jireen xoolaha la kala dhaco, daaqa, biyaha iyo gabdhaha xumaan lagu sameeyo. Markay reer hebel xoolaha ka dhacaan reer kale, waxa marka hore lagu dayi jiray wada xaajood, ka dib haddii wada xaajoodkii shaqayn waayo waxa la abaabuli jiray dagaal xoolaha lagu soo dhacsanayo ama xoolo kale oo reerahaasi leeyihiin ayaa la soo dhacayaa.
Qabaa’ilka kala duwan ee soomaalidu waxa ka dhexayn jiray xeerar kala duwan, marka xeer-beegtidu geedka isugu yimaadaan, waxa la odhan jiray maxaa reer hebel xeer inooga yaallay, ka dib ayaa la bilaabi jiray dhaqan galinta xeerkii u yaallay. Dadka soomaaliyeed waxay ahaayeen bulsho aan waxba wadaagin, balse reer kastaa wuxuu gaar u haystay xoollo aanay cidi la wadaagin.
Hal qodob oo kaliya ayey heshiis ku ahaayeen, kaasoo ahaa IN LAGA HORTAGO GUMAYSIGA DALKOODA SOO GALAYA. Dhaqankaasi ilaa hadda wuxuu ka muuqdaa dadka soomaaliyeed, oo dawladaha ay samaystaan kuma heshiiyaan, ileyn wax la wadaago may arage. Jahawareerkaa imika jiraa wuxuu ka markhaati kacayaa dhaqankii hore ee soomaalida ee qabiilka ku salaysnaa.
Maxaa u sahlay ingiriiska inuu soo dhexgalo Somalida
Beelaha reer Somaliland waxa caado u ahaan jirtay colaado dhexdooda yaallay, oo ku salaysnaa geella oo la kala dhaco, biyo iyo daaq lagu dagaalamo. Kolba beeshii tiro baddan ayaa geella ka dhici jiray kuwa kale. Arrintaasi waxay u sahashay ingiriisku inuu soo kala dhexgalo beelaha geella kala dhacaya. Markii dambe ayuu daraasad ku sameeyay, ka dib wuxuu taageero hiil iyo hoo u fidiyey beelihii geela xooga lagaga dhacayey. Ka dib beelihii qaar ayaa nasteex mooday taageeradii. Waana halka uu ka yimid fikirka “ qaybi oo xukun”. Waana tii soomaaliddu ka maahmaahday ee tidhi” yey is cunaysaa waraabe iskama celiso”.
Sida caadada u ah gumaystayaasha, markay doonayaan inay meel qabsadaan waxay marka hore diri jireen sahamiye soo darsa oo warbixin buuxda ka keena goobta la doonayo in la qabsado.
Sanadkii 1823 ayuu ingiriisku soo diray nin sahamiye ah oo la odhan jiray W.F.OWEN si uu darso xeebaha Somaliland ee kala ah: Saylac, Bulaxaar, Berbera, Maydh, Xiis Iyo Laas Qoray.ninkii sahamiyaha ahaa ayaa isticmaalay qaab nin ganacsade ah, oo doonaya inuu alaab ka iibsado magaalooyinka ku teedsan badda cas. Ka dib marka uu noqday ayuu warbixin dheer ka siiyay ingiriiskii noloshaada iyo waayaha yaalla.
Ingiriiskii oo ka shidaal qaadanaya warbixintii wuxuu ku sheegay xeebaha somaliland yihiin qaar laga tagi karo, dadka ku noolina ay yihiin dad furfuran oo ganacsi lala yeelan kara .
Sanadkii 1825 ayuu ingriiskii soo diray markab la odhon jiray Mary Ann oo ay saaran yihiin koox dad ah, kuna soo xidhay magaalada berbera, kadib dadkii oo diidan cadaan iska soo galay dalka ayay dagaal ku qaadeen halkaa dagaal xun ayaa ka dhacay aakhirkiina markabkii iyo kooxdii la socotay waa la laalay, kadibna waxa lagu heshiiyay in beeshu bixiso lacag magdhow ah oo dhan £6000 taasina waxay ku tusinasaa sida ay dadka reer somaliland u necbaayeen dadka shisheeya ah ee dalkooga iska soo gala, waxa kale oo ingriiska ka yaaabisay markii habeen badh weerar lagu qaaday, si xuna dhaawac loogu gaystay ninkii la odhon jiray RECHARD .F BURTON oo ingriiska sahamiye u ahaa intaasi ka dib ingriisku wuxuu ku dhaqaaqay inuu la heshiiyo dadka reer somaliland heshiis ganacsi oo kooban ayey la saxeexdeen sanadkii 1827 waxaana u kala saxeexay shirkad la odhon jiray EAST INDIAN COMPANY iyo odayaal reer Berbera ah
Sahamiyeyaashi maxay soomaalida ka yidhaahdeen.
= sahamiye la odhan jiray Richard F. Burton oo ka mid ahaa raggii soo maray dhulka soomaalida gaar ahaan somaliland sanadihii 1854 ilaa 1855 wuxuu soomaalida ku tilmaamay dad dhaadheer oo dhuudhuuban. Orod baddan, isla-weyn, hawl kar ah, geesiyaal ah una adkaysta dhibaatooyinka nolosha deegaanka ay ku nool yihiin.
= sahamiye la odhan jiray SIR John Kirka oo ingiriiska u fadhiyey jasiirada Sansibaar ayaa yimid dhulka soomaalida sanadkii 1870 wuxuuna yidhi” soomaalidu kama haybadaysato ingiriiska iyo cidii kale ee u timaada. Wuxuu aad ula yaabay oday soomaali ah, oo awrkiisa wata ayuu ag-maray, markaasuu odaygii sanka is-qabtay ka dib turjumaankiisii ayuu weydiiyey wuxuu yidhi iyo sababta uu sanka isku qabtay. Turjumaankii wuxuu ugu jawaabay” gaalkan saanta-cad ee uraya ayuu yidhi”. Sir John Kirka wuxuu soomaalida ku tilmaamay dad isla-weyn, oo wax cabsi ahi aanay haynin.
= badhasaabkii ingiriiska ee xukumayey Bariga Afrika oo la odhan jiray Sir Charles Eliot ayaa isaguna soomaalida ku tilmaamay: dad aaminsan inay ingiriiska ka sareeyaan, oo dagaal jecel, hadal-baddan, xanaaq-dhaw, isu-hiiliya oo gaalada neceb.
= sahamiye la odhan jiray J.H. Speke ayaa isna ku tilmaamay soomaalida: qof kasta oo aad aragto waxa ku yaalla nabar, markaad weydiiso wuxuu ku odhanayaa, dagaal ayaan ku dhaawacmay ama dugaag ayaa i cunay, waa dad nolosha aad ugu adkaysta. Qaarkood waad yaabaysaa sidey uga bogsadeen dhaawacan soo gaadhay. Waa dad diinta jecel, oo haddii ay kugu arkaan inaad diinta wax ka sheegtid way kula dagaalamayaan.
Cali cabdi coomay
calicoomay@hotmail.com
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland

Tix-Raac:
=Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed…..Cali jamaac Qalinle.
= Taariikhda Xeebaha Soomaalida……prof. Yuusuf Baane




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *