Sidee Loo Joojin Karaa Tahriibka?

Qoraalkan waxaaan kaga hadlidoona sida ugu haboon ee loojin karo tahriibka. Waxaan diradda saari doona sida shakhsiyan ama qof ahaan,bulsho ahaan iyo dawlada ahaan loo joojin karo iyadoo lays kaashanayo.

Tahriibku waa mid ka mid aafoonka ku habsaday dunida saddexaad gaar ahaan dunida islaamka iyo afrika.waxa la qiyaasa inay sannadkasta ka tahriibaan dad aad u tiro badan oo ay iska dhiibaan waddaamada reer galbeedka. dadka inta badan tahriiba waxay u badan yihiin dhalinyaro iyo aqoonyahan,hal-door iyo indheer garad.arimo badan ayaa sabab u ah tahriibta sida:
1.shaqo la’aan
2.nabadgel xumo
3.xoriyad la’aan ama cadaadis
Waxa jiro sababo badan oo kale oo dhiirigelinaya tahriibka ,laakiin gobolada qaarkood way ku kala gedesan yihiin wax yaabaha dhiirigelinaya tahriibka.
Tahriibtu saamayn ballaadhaan ayay ku haysa dunida saddexaad ama afrika.samayntaas waxa ugu dhib badan;waxa afrika iyo dunida islaamka ka tahriiba dad ka hormuud ka u ah bulshada iyo xoogga bulshada sida dhalinyarada oo u qaxa wadadmada reer galbeedka. kolkaas soomalidu waxay ka mid tahay umadaha afrika gaar ahaan ku way ay tahriibtu ku badan tahay.
Tahriibka soomaalidu maraaxil badan ayuu soo maray.waxa loo yaqaanay markasta eray ku haboon,tusaale ahaan,mar waxa la odhann jiray; tacabur,marna dhoof,balse xiligan waxa loo yaqaan tahriib.xilligan aynu ku aynu jirno tahriibtu aad ayaad ayay u badan tahay .khatar teeduna way badan tahay.
dhimashadeeduna way badan tahay.dadka tahriiba waxay u badan yihiin dhalinyarada. Ma jiraan daraasado iyo xog uruurin lagu sameeyay sababta aya dadka soomalidu u tahriibaan gaar ahaan dhalinyarada iyo hal-doorka,balse waxa la qiyaasaa inay jiraan sababo badan sida,shaqo la,aan,nabagelyo xumo ka jirta koonfurta soomaliya,IWM.
Kolkaas haddaynu ka fekerno sida loo joojin karo tahriibka ama loo yarayn karo.waxaynu wax ka soo sheegnay saamaynta ay tahriibku leedahay iyo wax yaabaha sababa kolkaas aynu wax qorno ama baadhno sida uga haboon ee xal loo helo karo,xalkaas oo horseedaya joojinta tahriibka-haddii ilaahay ka dhigo.
Ma hawl yara in si fudud loo joojiyo tahriibka,mana adka in xal la helo kariwaayo.in xal la helo lagu dawaynayo aafadan tahriibka,waxay u baahan tahay in sannado la darso si loo helo dawo waarta oo quluubta iyo maskaxda boqolaal dhalinyaro ah oo sannadkasta ka hayaama dalkooda loogu qanciyo inay waddankooda ka xoogsadaan kana samaystaan nolol wacan.lana abuuro degaankii taas suurto gelin laha.
looma baahna oo keliya in shaqo la abuuro ama nolosha dalka iyo dhaqaalaha la barwaaqaysiiyo balse waxa loo baahan oo aad muhiim u ah in quluubta iyo laabta dhalinyarada lagu abuuro waddan jacayl.tan ayaa ah mid adag sida loo abuuro.
waa la samayn karo qorshe lagu hagaajinayo dhaqaalaha dalka iyo nolosha dhalinyarada, waxa is waydin mudan;sidee dhaqaalaha dalka loo kobcinkaraa shaqana loogu abuuri kara haddanay dhalinyaradu ku qanacsanayn dhulkooda?
Waa waydin eray-celin sal ballaadhan u bahan.qorshe kasta oo dalka dhaqaalihiisa lagu hagaajinayo iyo shaqooyinkasta oo la abuurayo caqab ku ah, waayo waxa jira dhalinyaro badan oo aan aaminsanayn nolosha dalkooda iska dhaaf inay ka xoogsadaane!.kolkaas waa in horta la abuuro barnaamij dhirigelinaya waddan jacayl oo toos u taabanaya laabta dhalinyarada.hadaba ,maxaa qokasta looga bahaan yahay si loo joojiyo khatarta tahriibka?
Maxaa looga baahan yahay bulshada si looga hortago tahriibka?
Maxaa looga baahan yahay dawladda si xal waara loo helo oo laga badbaadiyo dhalinyarada aafada tahriibka ?
Si aan waydiimahan eraycelin ugu helo,waxaan waydiimahan kala dooday 30 qof ka mid ah xubnaha bulshada gaar ahaan inta ku xeel dheer arimaha dhalinyarada iyo bulshada oo aqoon iyo waayo aragtinimo u leh si toos ahna dhug ugu ugu leh khatarta tahriibka,dood dheer ka dib,waxa iga soo baxay qodobadan hoos ku qoran oo aan rajaynayo inay xal u noqon karaan aafada tahriibka.
Qof ahaan;
1.Inuu qofku marka hore dhulkiisa aamino
2.Inuu naftiisa ka dhadhaadhiciyo inuu nolol horumar leh uu waddankisa ka samaysto
3.Inuu qofkasta maalingelin sameeyo si uu dhalinyarada u shaqaalaysiiyo isagoo aqoontiisa ku shaqaalaysiinaya
4.Inuu qofkasta qoyskiisa ka wacyigeliyo khatarta tahriibka oo baro xubnaha qoyskiisa habkasta oo loo shaqaysan karo
5.Qofka wax bartay waa inuu ka fekeraa siduu u shaqaysan laha,waa inuu is waydiyaa “maxaan ka shaqayn kara?”.waa inuu naftiisa bara sidu wax u abuuri laha gaar ahaan dhalinyaradu waa inay dhegaystaan dadka nolosha la soo kifaaxay ee dhibka u soo maray
6.In uu qofkasta qofka dhalinyarada ahi maskaxdiisa iyo laabtiisa ku qora in waxkasta laga bilaabo xagga hoose
Dhammaan qodobadani waxay kaalin ka qaadaan karaan sidii loo joojin laha tahriibka khatar-ka ah
Bulsho ahaan;
1.In la sameeyo ururo bulsho oo ka shaqeeya wacgelinta oo ay hormuud ka yihiin cuqaasha,salaadiinta,aqoonyahanka,dhalinyarada iyo ganacsatda
2.In waalidku abadka ku aburaan waddan jacayl kana war hayaan caruurtooda
3.In culimadp ay caddayso in tahriibku xaraan yahay
4.In waalidku ay caruurtooda baraan dalxiiska oo ay xilliyada fasaxa dalxiis geeyaan,tani waxay caruurta ku abuuraysa xamasad iyo dhiirigelin.waxay laabta ilamaha ku beeraysay waddaniyad
5.In midnimo iyo wadajir shacabku abuuraan si ay uga hortagaan khatarta tahriibka
6.Inay bulshadu abuurto ururo dhiirigeliya dhalinyarada guulaha iyo horumarka ka sameeya dhamman heerarka nolosha hadday tahay ,ganacsi,aqoon,sugaan,qoraayo,xirfad-layaal iyo qofka daah-fura wax cusub ama si firfircoon uga shaqeeya arimaha bulshada.
qodobkani waxa uu waxa u kor u qaadikara hanka iyo himilada ku jirta dhalinta,waxa uu abuura xamaasad iyo tartan saafiya,waxauu dhiirigelinayaa dhammaan inta wax cusub ama guul samaysa.waxa uu abuurayaa in qofku aamino inuu haddi waxkale sameeyo la dhiirigelindoono,runtii waa degaan abuuraya kalsooni haddi dadka wax wacan sameeya la dhiirigeliyo.waxanu qofka la dhiirigeliyay tusaale u noqonayaa dhalinyaro badan oo hami iyo himilo leh oo hiigsanayaa meel sare.
Dawlada ahaan;
1.Inay samayso shaqo abuur korna u qaado waxsoorka waddanka si ay dhalinyaradu u hesho shaqo
2.Cadaalad: cadaaladarada iyo musuq-maasuqo waa wax yaabaha dhiirigeliya tahriibka ,kolkaas dawladu waa inay caddaalad wax ku shaqaalaysiiyo.waa inay abuurto dhaqan ah in qofku shaqada ku helo karo aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa
3.Wacgelin;dawladdu waa inay kor u qaadda heerka wacgelinta ee ku saabsan khatarta tahriibka
4.Waa Inay dawladu abuurta barnaamijyo xiiso ay dhalinayaradu ku ilaawaan tahriibka sida ciyaaraha iyo tartan aqooneedyo sidoo kale waa inay dhiirigeliso dhalinyarada sameeya guulaha iyo horumarka si ay tusaale ugu noqdaan dhalinyarada kale iyaguna aanay niyad jabin
5.Inay dawladu maktabadu furto ay dhalinyaradu wax ku akhristaan (library) oo aqoonta dhalinyarada iyo fikirkooda kor loogu qaadayo.
6.In manhajka waxbarashada ay dawladu ku darto xiisado jeclaysiinaya dhalinyarada waddankooda ama kor u qaadaya waddaniyadda.
7.in dhalinyarada xirfad la baro oo ay wasaaradda waxbarashadu manhajka ku darto dawladuna dhiirigeliso xirfadaha aasaasiga ah iyo farsamada gacanta gaar ahaan dhalinyarada la baro xirfado iyo farsamooyin ay ku shaqayn karaan.
W/Q: bashiir raacdeeye



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *