Sidee Loo Daweeyaa Caruurta Uu Madaxu Weynaado?

Waa maxay madaxa weynaado caruurta qaar?
Cudurka madax weyninka waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa “Hydrocephalus”.

Erayga hydrocephalus macnihiisu waa maskaxda oo biyo ku jiraan, taasoo ka dhalatay in biyaha sidii loogu talagalay looga dhuugin maskaxda, ama in biyo badan uu soo saarayo xuubka maskaxda.

biyaha waxaa eebbe ugu talagalay in maskaxda iyo xangullaha ay ka ilaaliyaan jugta iyo cadaadiska, biyahaasuu qadar cayiman haddii ay ka bataan ay keeneyso in maskaxdu ay bararto.

Cudurkaan ilmaha way ku dhashaan, qaarne wuu ku dhacaa markay dhashaan ka dib inkastoo aan la ogeynin sababta u keentay.

Ilmaha ku dhasho waxaa u keeni kara dhiig-karka uurka, sumoyga, khmara cabidda xilliga uurka, iyo dhaxal.

Cudur walba oo ku dhaca xuubka maskaxda ama cadaadiska maskaxda siyaadiyo sida burooyinka iyo isbadalka xididada maskaxda waxay keenaan cudurkaan maskax-biyoolaha.

Cudurka qoor-gooyaha “meningitis” haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa maskax biyoolaha, raac link-gaan si aad wax uga barato cudurka qoorgooyaha: HALKAN GUJI

Sidoo kale daawooyinka qaar way keenaan, xitaa haddii vitamiinka A uu qofka wax badan ka qaato oo aan loogu talo galin.

Calaamadaha lagu garto cudurkaan aya ugu horreysa:

  • madax weynaasho.
  • xididada basada oo barara oo muuqda.
  • indhaha oo hoos u gala baalasha taasoo la moodo qorax sii dhacayso.
  • Madaxa oo dhawaaq sidii qaraha sameeyo haddii la taabto.
  • murqaha lugaha oo adkaada.
  • madax xanuun, matag, isku-kaadin iyo arag cawaran.

Cudurkaan wuxuu raacsiisanyahay cudurrada ku dhaca neerfayaasha, waxaana ku shuqul leh dhakhaatiirta cilmiga neerfayaasha iyo dhakhaatiirta qalliinka maskaxda “Neurologists & Neurosurgeons”
Akhriso waxa neerfaha uu yahay: HALKAN GUJI

Baaritaannada lagu samayn karo qofka waa:

  • Raajo
  • Sawir kumbuyutar

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Daaweyntu waxay ku xirantahay dagdagnimaa xaaladda bukaanka taasoo ah haddii xaaladdu halis tahay in laga soo saaro biyaha saaidka ah taasoo la adeegsan karo in biyaha laga miiro xagga dhabarka haddii biyaha maskaxda ku jiro iy midda dhabarka ay isku xariirsanyihiin.

midda labaad oo ah in qalliin la sameeyo iyadoo maskaxda la galiyo tubo biyaha ka soo saarto oo ku shubto dhow meel sida xuubka caloosha ama wadnaha, tubadaas oo qofka ku jiraysa muddo dheer.

way jiraan daawo caawis ah oo la siiyo bukaank haddii xaaladda ay yasirantahay sida daawooyinka yareeyso soo saaridda biyaha maskaxda ama biyaha badiyo dhuugista biyaha maskaxda.

Ogow cudurkaan waa cudur u baahan takhtar takhasus u leh, ee maahan cudur laga daaweyn karo farmashi ama takhtar guud.

Daawada ha qaadanin hadduusan dhakhtar kuu qorin.

Cudurka markuu bilawga yahay way sahlantahay in wax laga qabto laakiin haddii uu ku fogaado caruurtu waxay ka qaadaan in neerfaha maskaxda uu saameyo sida in ay naafoobaan ama qalal uu ku dhaco.

Xigasho: Somalidoc.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *