DEG-DEG: Shir Lagu Taageeraayo Muuse Biixi Oo Haweenka Kulmiye Uga Socda Madaxtooyada & Marwo Aamina Weris Oo Shir-guddoominaysa. –

Hargeysa(Raacdo.com):- Shir deg dag ah oo ay afada madaxweyne Siilaanyo isagu yeedhay haweenka taabacsan murashaxnimada Muj.Muuse Biixi Cabdi, ayaa hada si rasmi ah uga socda qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Ma jiraan ilaa hada warar ku saabsan shirkan oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada, balse sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in shirkan oo ay shir guddoominayso marwada Madaxweyne Siilaanyo uu u jeedkiisu daaran yahay siddii garabka haweenka Kulmiye ee taabacsan murashaxnimada Muuse Biixi ay u sii xoojin lahaayeen taageeradooda isla mar ahaantaana ay si mug iyo miisaan leh u barbar istaagi lahaayeen murashaxnimada Muj.Muuse Biixi Cabdi.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in marwada madaxweynahu amar ku siisay haweenka Kulmiye siddii ay u soo abaabuli lahaayeen haween tiro badan oo hay’adaha warbaahinta taageero uga muujiya murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kale haweenka Kulmiye ka soo xaadiray shirkan, ayaa waxa ku jira dhammaanba xubnahii Muuse Biixi u doortay ka mid noqoshada golaha dhaxe ee xisbiga Kulmiye.

Ugu dambeyntii arrintan, ayaa ah mid ay madaxtooyadu ku sii hurinayso murankii siyaasadeed ee ka taagnaa xisbiga Kulmiye, waxaana ay sii dhallin kartaa in mar kale uu sii xoogaysto khilaafka ka dhex qarxay xisbigaasi oo ay isbahaysiga murashaxiinta Kulmiye ku dhaleecaynaayeen in madaxtooyadu dhinaca saarayso murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi.

Ramaasnews

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *