Shir Lagaga Hadlayo Arrimaha Suuriya Oo Wasiirro Metelaya Dalal Badani Ay U Ballansan Yihiin

Muqdisho (Raacdo.com):- Dalka Suuriya ee ku dhowaadka shanta sano ay ka socdaan dagaalladu ayaa waxa uu la kulmayaa shirqoollo waaweyn oo kaga imanaya dhanka dowladaha Carabta iyo kuwa reer galbeedka.

Maalinta berrito ah waxaa dalka Austria ka furmi doona shir ballaadhan oo ay yeelan doonaan wasiirro arrimo-dibadeedka wadamo fara badan oo Ruushka iyo Mareykanku ku jiraan.

 

Shirkan oo ka furmi doono magaala-madaxda dalkaasi ee lagu magacaabo Vienna ayaa waxaa wasiiradu ka qeyb-geli doona ka mid ah, Sucuudiga, Iiraan, Masar, Urdun, Turkiga, Mareykanka, Ruushka, Lubnaan, Ingiriiska, Faransiiska, Iiraan iyo madaxda arrimaha dibadda ee midowga Yurub, waxaana la sheegayaa in looga hadli doona waxay ka yeelayaan Suuriya.

 

Arrinka cusub ayaa waxa uu yahay in wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Muxamed Jawaad Dhariifi uu ka qeyb-gali doono markii ugu horeysay shir lagaga hadlayo arrimaha Suuriya, maadaama dowladda Iiraan ay ka maqneyd labadii shir ee sanadadii 2012 iyo 2014 ka dhacay Janeefa, kuwaas oo lagaga hadlayey arrimaha dalka Suuriya.

 

Marka uu Shirkani soo dhamaado ayaa la filayaa inay kasoo baxaan Qodobada ugu dambeeya wixii ay ka wada hadleen, waxaana dadka siyaasiyiinta ah ay saadaalinayaan in waxa kasoo bixi doona ay guud ahaantood yihiin kuwo lagu hagardaamaynayo shacabka muslimka ah ee Suuriya. 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *