Sheekh Abuu Muxamed Al-Daxaawi Oo Laga Sii Daayay Xabsiyada Dalka Urdun.

Cumaan (Raacdo.com):- Maxkamadda dalka Urdun ayaa go’aamisay in xabsiga laga sii daayo Sheykh Abuu Muxamed Al-Daxaawi iyo Bassaam Muslix Al-Cabbaas oo ku magac-dheer “Abuu Bandar At-tamiimi”, kuwaas oo ka tirsan Culimada Salafiyiinta Jihaadiyiinta ah ee ku jira xabsiyada dalkaasi.

Nin qareen ah oo u dooda Jamaacaadka Islaamiga ah ee dalka Urdun ayaa sheegay in Maxkamadda amniga qaranka ee dalkaasi ay go’aan ku gaadhay maalintii Arbacada in qaab damaanad ah loo sii daayo labada Sheekh, iyadoo Shuruud uga dhigtay in midkiiba uu bixiyo lacag dhan (Shan kun oo Diinaar) oo lacagta Urdun ah, oo u dhiganta todobo kun oo Doollar.

Sheekh Muxamed Al-Daxaawi iyo Sheekha kale ee lasii daayay waxaa la xidhay Afar sano ka hor, kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen xiisado iyo iska hor imaadyo sanadkii 2011-kii ka dhacay magaalada Az-zarqaa ee ku taalla Koonfurta dalkaasi.

Dowladda Urdun ayaa horey u shaacisay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadkii loo heystay inay xiisadahaasi ku lug lahaayeen. Waxaanay labadaasi sheekh haatan joogaan dibadda.

Xaaladda caafimaad ee Sheykh Abuu Bandar At-tamiimi ayaa si aad ah looga deyrinayaa, waxaana qareenka Jamaacaadka Islaamiga ah ee dalka Urdun uu sheegay in Sheekhu uu Cuntada ka soomay intii uu xabsiga ku xidhnaa, taas oo keentay in xaaladdiisa nololeed ay halis gasho.

Boqollaal ka tirsan Culimada iyo Ardayda Salafiyyiinta Jihaadiyiinta ah ayaa ku xidhan jeelasha Xukuumadda dalka Urdun, iyadoo horey xabsiyadaas looga sii daayay culimo ay ka mid yihiin Sheykh Abuu Muxamed Al-Maqdasi iyo Sheykh Abuu Qataada Al-Filastiini, kadib markii ay soo dhameysteen wakhtigii lagu xakumay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *