Sheekh Aadan-Sunne Oo Xabsiga Laga Sii Daayay Kadib Muddo Badan Oo Uu Xidhnaa.

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ah culimada magaaladda Hargeisa ayaa galabnimadii shalay dib u helay xorriyadiisii ka dib markii uu in muddo ah u xidhnaa khudbad diini ah oo uu jeediyay.

Sheekh Aadan ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin albaabka xarunta ciidamada Badda oo astaanteeda loo eekaysiiyay saliibka ay kiristaanku caabudaan, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in ay in ay bedesho.

Mudda Sannad ku dhow ayuu sheekhu xidhnaa, waxaana la sheegay in sii-dayntiisa uu door laxaad leh ka qaatay Wasiirka cusub ee wasaarada qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo Tire) oo xukuumadda hor dhigay sida aanay u qurux badnayn in uu sheekhu Xabsi kusii jiro.

Sidoo kale sheekha ayaa lagu waayay wax dambi ah oo uu qaranka ka galay, marka laga yimaado muxaadirooyinka uu jeediyo oo uu kaga hadlo wadciga taagan, isagoo goor walba abbaara xaqiiqada, runtana aan ka waaban, si kastoo ay u qadhaadahay.

Sheekha ayaa ku caan-baxay ka hadlidda hadba wixii ku cusub Islaamka iyo diinteenna Suubani wixii ay ka qabto. Waxaanu mar  walba dadka ku baraarujiyaa wanaag-farista oo mar walba uu bayaamiyo isagoo xumaantana uga diga cid kastoo ku kacda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *