Sheekh Aadan Sunne Oo Salaadii Ciida Kalmad Ka Jeediyey Garoonka weyn Ee Hargeysa Istaadyoom.

Sheekha weyn ee Caalimka ah Sheekh Aadan Sunne Xafidahullaah ayaa Saaka Salaadii Ciida Kalmad waaqica ah u jeediyey Dedweynihii ku tukanaayey Garoonka weyn ee Kubadda Cagta ee Hargeysa Istaadyoom oo ku yaal Degmadda Axmed Dhagax ee Casimada Hargeysa.

Garoonkan oo ay ka soo xaadireen daweyne kor u dhaafaaya 30 kun oo ruux ayaa waxa iyana joogay dadweynaha kala soo qayb galay wasiiro xukuumadda Somaliland oo uu horkacaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Aadan Qabo.

Sheekh Aadan Sunne ayaa ka hadlay Dulmiga iyo Raafka ka dhanka ah Culimada iyo Ducaada ee RRU_du ay muddooyinkii danbe si gooni ah u ugaadhsanayeen.

Sheekh Aadan Sunne waxa uu ugu horeeyn ka hadlay Dulmiga iyo sidda uu u baabi’iiyo Ciddii la macaamisha ee Dulmi wadayaasha ah,Sheekha ayaa is barbar dhig ku sameeyey oo is dultaagay in dulmigu uu Baabi’iiyo dawladda Islaamka hadday dulmi samayso iyadoo dawlad gaalo ah laga yaabo in Cimrigeedu dheeraado oo ay taagnaato haddii dulmiga ay ka dheeraato.

Sheekhu waxa uu Carabka ku adkeeyey Xadhigii ugu danbeeyey ee Culimada Macallimiinta ah loo gaystay.
Sheekhu waxa uu sheegay in culimadaasi aanay ahayn kuwo falal Amni daro ku jiray ee ay yihiin kuwo dadka quraanka,Xaqa iyo Caqiidada Saxda dadka Waraabinaaya.
Sheekha ayaa sheegay in Ciidamada RRU_da ee Ee Gaaladu samaysatay ay Argagax jidh dil baabi’iin hanti ay kula kacayaan dadka Sunnada Xambaarsan.

Ugu danbayn sheekhu waxa uu ku soo afmeeray Gabay uu ku jeexjeexay in hamigiisu uu yahay In Soomaali iyo Islaam ay tahay in uu mideeyo.
Kalmadan sheekha ayaa Argagax iyo Cabsi ku riday Masuuliyiintii Xukuumadda ee Goobta joogay iyagoo qaarkood ay ku cataabayeen markii sheekhu kalmada dhammeeyey Waar in ay u dhiibaan may ahay iyagoo inamadii u dhiibay sheekha makarafoonka Qabsaday una hanjabay.




One thought on “Sheekh Aadan Sunne Oo Salaadii Ciida Kalmad Ka Jeediyey Garoonka weyn Ee Hargeysa Istaadyoom.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *