“Shalay Horumarka Dalka Ayaan Ka Shaqaynayey Maantana Hagardaamo Uma Ogoli” Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Xirsi Cali

“Waxaa laga jooga wakhti ku siman 24 saac kadib markaan si rasmi ah u shaaciyey in aan ka degay xilkii aan qaranka u hayey ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL oo ahaa xil aan mudo shan sano iyo ka badan u igmanaa.

Intii aan ahaa adeegaha bulshada waxaan ku faraxsanahay in aan dalka ugu adeegay si aan hagrasho lahayn wakhti badana aan galiyey in uu noqdo dal horumarsan oo dunida la tartama.

Maanta oo aan ahay muwaadin kamid ah muwaadiniinta dalkana waxaan jecelahay in dalkaygu guulaysto dawladuna inoo shaqayso, hadii aan xilka ka tagnayna maaha in aan dalka dhib u horseedayno ee nabadgalyada iyo guusha qaranka anagaa cid walba uuga lexejeclo badan.

Waxaan dardaaran u jeedinayaa dhamaan shacab weynaha reer Somaliland in ay ilaalinta nabada dhan uga wada jeedaan sidoo kalena taaba gelinta qaranka ka wada shaaqeeyaan.

Badanaa daljir dahsoon oo qarankiisa dusha ka ilaashada.

Wa Bilaahi Tawfiiq.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *