Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii Labaad (2-aad)”

Sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda “Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa”

Ninka hadimadataliska ah waxa ka muuqan jiray cawaaqib xumo weyn isaga iyo ubadkiisaba oo aan ka hadhin jirin illaa iyo sagaal awoow, bulshada dhexdeedana waxa uu ka noqon jiray nin leh ceebo iyo naanayso lagu canbaareeyo, bal dhugo maahmaahdan, “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay”, sababtoo ah, markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob.

Laakiinse, Ninka markhaati been ah furaa waxa lagala noqon jiray kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waxaana la odhan jiray  “Ninkaasi xaajo qaad ma aha”, oo macnaheedu uu yahay ninkaasi war-gal ma aha,  oo  looga qaateen ma aha’,  waxaana raaci jirtay ninka ay maalintaasi ka xumaatay jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo “Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago”, waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama ragganimo ayaad kaga tagtaa.

Ninka ka hor-dhaca ee suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey, isagana waxa la odhan jiray “Farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug”.

Haddaba inta aynaan u sii guda-galin noocyada gar xeer-beegti, waxa aynu halkan ku eegi doona asal ahaan halka laga soo dheegtay macnaha  erayada saddexan ee Gar xeer iyo beegti.

Gar: waa xadhiga dardarta leh ee inta ninka lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida askarta loo figeeyo oo kale.

Xeer:  waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka la dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.

Beegti:  waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh, sidaa darteed bay gartu u leedahay weedho u gaar ah (Thermanology), sida ay mihnad kastaaba ay u leedahay luqad iyo weedho u gooniya,

Sida aynu horeba u soo sheegnay garuhu way noocyo badan yihiin, sababtoo ah waxa taasi loola jeedaa in mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon, Somaliduna waxay tidhaahdaa “Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa”,

Gar-kala dareeris: maaha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ay u eegtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan oo kale, isla markaana ragga had iyo goor garta caynkaas oo kale ah wax ka qabtaa waa ragga ku sifooba samatalisnimada.

Gartan waxa had iyo goor  loo qaadaa laba qabiil ama laba-qof, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, waxaana lagu dhaqmaa cidii wax-gaysatay wax loogu yeedho”  Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad, marka gartan lagu jiro waxa jirta xikmad tidhaahda “Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday”. Laakiin waxa jirta xikmad kale oo iyana tidhaahda “Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho”, taas oo loola jeedo, ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka marin kartaa.

Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen Suldaannimo, ka dibna waxay goor barqo ah ay iskula tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii , waxaanu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna, hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aan ka kicin bacadkiina ugu soo galay, markaas buu dhididay oo uu haraaday, halka ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey.

Markii ay gaadhay galabnimadii ayuu u yimid odaygii Guurtida ahaa, waxaanu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, Odaygii Guurtida ahaa ee ay yidhaahdeen na kala saar ayaa yidhi “Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isku garnaqaye, waayo buu yidhi:- ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.

Marka aynu eegno dhinacyada wax tirsanaysa ee dhibta loo geysto waxa loo jeediyaa, Naq, Cabatin iyo baanis,  tusaale ahaan marka nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma’laha ee waxa la kala qaataa oo la kala gurtaa magtii oo dhan ee ahayd boqolka halaad, iyadoo jifida mar’la kala qaato, qubanahana ama magweyntana mar’la kala qaato, amaba mar’saddexaad, isla-markaana,  wixii hadhaa magta ka ahna la isa siiyo.

Laakiinse, marka wakhti kale arrintan oo kale ay ku dhacdo qoladii wax laga dilay waxa ay yidhaahdaan “maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin”, isla markaana,  hadimotalisyada meesha joogaa ay u Go’ ridaan, ka dib, qoladii soo dhex-gashay ayaa tidhaahda “Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha”.

Sidoo kalena, iyana waxa jirta in la yidhaahdo “Reerku hadii aanu lahayn laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma aha, waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn,  tusaale ahaan, ninkii 100-ka halaad ahaa marka ay raggii dhexda ahaa ku xukumaan 150- Halaad iyo gabadh godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo “Waa mag-dharaareed”, mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arrintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax dishay……….. la soco

 

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *