Saxafi Hotel: Gen Dhaga-badan & Saraakiil Kale Oo La Dilay + Dagaalka Oo Galay Saacaddii 4-Aad

Muqdisho (Raacdo.com):- Ciidamada Al-Shabaab ee saaka dagaalka kula wareegay gacan-ku-haynta hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxay wali ciidamada Al-Shabaab ka dagaallamayaan gudaha hoteelka, iyadoo dagaalku uu galay saacadii Afraad.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay gudaha hoteelka ku toogteen saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Somaliya, iyadoo weli gudaha hoteelka ay toogashadu ka socoto.

Saraakiisha lagu toogtay gudaha hoteelka waxaa ka mid ah Mulkiilihii hoteelka Cabdi Rashiid Il-qeyta, Abaanduulihii hore ee ciidamada dowlada Cabdikariim “Dhago-badan”, Xildhibaan Abtidoon iyo kuwo kale oo ilaa hadda aan magacyadooda la helin. Waxaa iyagu beenoobay warar sheegayey inuu weerarkaasi ku dhintay R/wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.

Saraakiil sarsare oo ka tirsanaa sirdoonka dowladda Federaalka ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka Hoteelka Saxafi, Waxaana lagu dhaawacay xubno ka tirsan dowlada federaalka oo ay ka mid yihiin sarkaal sare oo lagu magacaaba Gacmo-duuliye iyo saraakiil ka tirsan dowlad Federaalka.dhagabadan hoteel-552sahafi

 

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *