SAWIRRO + WARBIXIN: Ciidamada Daaliban Oo Qabsaday Magaalada 4-aad Ee Ugu Weyn Wadanka Afghanistan.

Kaabul (Raacdo.com):- Boqolaal ciidamo ah oo aad u hubeysan kana tirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa aroornimadii hore ee shalay duulaan culus ku qaaday magaalada xarunta ah ee Khunduz, halkaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay Mujaahidiinta Daalibaan dul-degenaayeen, Waxaana lagu soo warramayaa in dagaallo culus oo ay ka qayb-galayaan gaadiidka dagaalka, guutooyinka Jugta culus lagu qaaday magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Daalibaan ay si buuxda ula wareegeen magaalada, Isla markaana ay gacanta ku dhigeen xarunta gobolka, Booliska iyo dhamaan magaalada, waxaana la xaqiijiyey in ciidamada dawladda Afganistan ay isaga carareen xarumihii iyo goobihii ay ka difaacayeen magaalada, sida ay xaqiijiyeen dadka deggaanka iyo ilo-wareedyo dhanka ciidamada Amaanka ah.

Wariyeyaasha ka soo warramaya dalka Afganistan ayaa sheegaya in magaaladu ay gabi-ahaanba xidhan tahay, Isla markaana aanu jirin wax gaadiid ah oo geli kara ama ka soo bixi kara. Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in ay jiraan ciidan ka tirsan kuwa amaanka oo qaarkood ku go’doonsan magaalada, oo isku dayaya in ay iska caabiyaan weerarka mujaahidiinta Daalibaan.

Wariye lagu magacaabo Cabdallah Shahuud oo ka tirsan TV-ga  AlJazeera ayaa sheegay in ciidamada Daalibaan ay go’doomiyeen saldhigyo iyo xarumo muhiim ah, ayna laayeen ciidamo aad u fara badan.

“Dhamaan wadooyinka soo gala magaalada way xidhan yihiin, Daliban ayaa jihooyin kala duwan ka soo weerartay magaalada, waxayna hadda go’doomiyeen xarumo badan oo Police-ku uu leeyahay iyo dhismayaal kale” Ayuu yidhi Cabdallah Shahuud.

Dhamaan wadooyinka magaalada iyo suuqyada ayaa Albaabada la isugu dhuftay, dadkuna waxay weli ku jiraan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku uu saameeyo. “Xaaladdu aad bey u xun tahay, dagaalka ugu daran wuxuu ka socdaa xaafadaha koonfur bari ee magaalada, Daliban mar hore ayay soo qabsadeen xaafadaha waqooyi, hadda wuxuu dagaalku ka socdaa Xaafadaha koonfureed” Sidaas waxaa wakaaladda wararka AFP aroornimadii hore ee shalay u sheegay Sarkaal ka tirsan hay’ad NGO ah oo reergalbeedku ay leeyihiin.

Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dhankeeda xaqiijisay weerarka ciidankeedu ku qaadeen magaalada Khunduz, waxayna xaqiijisay in ay qabsatay dhismayaal muhiim ah, Iyadoo si gaar ah u tilmaantay Cisbitaalka guud ee magaalada, xarunta gobolka, Xarunta Police-ka kuwaas oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Mujaahidiinta Daalibaan.

Ciidamada Mujaahidinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa muddo dhowr bilood ah dagaal kaga jiray duleedka magaalada ka dib markii ay soo qabsadeen degmooyin muhiim ah iyo deggaano kale oo ku yaalla gobolka. Ciidamada Mujaahidiinta ayaa la rumeysan yahay in ay hadda gacanta ku hayaan inta badan gobolka maadama ay gacanta ku dhigeen magaala madaxdii.

Saddex degmo oo muhiim ah ayey dhawaan mujaahidiinta Daalibaan gacanta ku dhigeen markii ay dagaallo culus la galeen ciidamada dawladda Afganistan, waxaana tan iyo markii ay guulahaas xaqiijiyeen ay ciidamadooda isugu geenayeen difaacyada ku dhow-dhow magaalada caasimadda ah ee gobolka, halkaas oo ay doonayaan in laga saaro cadowgooda.

Wariyeyaasha ku sugan Afganistan waxay sheegayaan in Mujaahidiinta Daalibaan ay ahmiyad gaar ah siinayaan gobolka sababo ku aaddan halka uu ku yaallo oo istaraatiiji ah.

Gobolkan oo dhaca waqooyiga wadanka ayaa xuduud la leh wadamo dhowr ah, wuxuuna sidoo kale isku xidhaa gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ee dalka Afganistan.24 44 53 93 71 112 113 CP_v9egW8AADbYM CP_v9eeWoAAEHNg




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *