SAWIRRO: Qaraxyo Lagu Laayay Saraakiil Ciidan Oo Maanta Ka Kala Dhacay Kabtan-Laas & Muqdisho

Muqdisho (Raacdo.com):- War rasmi ah oo kasoo baxaya Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegtay in qaraxa oo ka dhacay wadada Makka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka xarunta hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ay ku beegsatay saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda, Milleteriga iyo Hey’adda socdaalka.

Al-Shabaab  ayaa xaqiijisay in saraakiisha lagu dilay weerarkii maanta ay ka mid yihiin Jeneraallo ciidan oo xilal ka hayay milleteriga iyo Nabad-sugidda.

Warar madax banaan oo warfidiyeennada qaar soo xigteenna waxay sheegayaan in saraakiisha qaraxii maanta  ku dhimatay uu ka mid ahaa Jeneraal Cabdi Bashiir Aadan oo ka mid ah taliyeyaasha ciidanka Milleteriga, sidoo kale waxaa qaraxa lagu dilay Jeneraal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Xarakada Al-Shabaab waxay xaqiijisay in dhimashada ka dhalatay qaraxii maanta ay gaadhay 10,  halka dhaawacu uu sii caga cagaynayo 17.

  Hoos Ka Akhri dhimashada iyo dhaawaca saraakiisha magacyadooda la helay.

1-Cabdi Bashir Aadan oo Roha ku magac dheeraa /Dhimasho,  wuxuu ahaa taliyaha ciidanka Gobolka Hiiraan

2-Gaashaanle Cabdi Makakaan /dhimasho wuxuu ka tirsanaa waaxda socdaalka

3-Faysal Caraale Madaxa hey’adaha Q.Midoobe ee ka howlgala gobolka Hiiraan/Dhaawac

4-Eng.Ismaaciil wuxuu ka tirsanaa waaxda socdaalka/ Dhaawac Halis ah

5-Jamaal Madaxa dhaqan-celinta waxa ay ugu yeedhaan dadka Al-shabaab ka goosta ee gobolka Hiiraan/ Dhaawac.
Waa qaraxii Labaad oo Xarakada Al Shabaab ay sheegato mas’uuliyaddiisa, qarax saaka ka dhacay deggaanka Kabtanlaas ee gobolka Sh/Hoose ayaa lagu dilay 4 sarkaal oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidanka deggaanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *