SAWIRRO: Dhoolatus Ay Samaysay Daalibaan & Beyco Ay Dadweynaha Gobolka Khunduz La Galeen Amiirka Cusub Ee Imaarada Islaamiga Afganistaan

Kaabul (Raacdo.com):- Filin cusub oo muuqaal ah oo ay soo saartay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu soo bandhigay beyco wadajir ah oo Daalibaan iyo dadweynaha gobolka Khunduz ay la galeen Amiirka Cusub ee Imaarada Islaamiga Afghanistan, Iyadoona halkaas sidoo kale ay Imaarada Daalibaan ku soo bandhigeen dhuula-tus ciidan oo aad u heer sareeya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Mujaahidiinta Daalibaan oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Khunduz iyo saraakiil kale ayaa ka qey-bgalay xafladaasi, waxaana halkaas saraakiil uu hogaaminayo guddoomiyuhu ay beyco kula galeen Amiirka cusub ee Imaarada Islaamiga Afghanistan Sh. Mullah Akhtar Mansuur.

Isku Imaatinkan weyn oo ka dhacay fagaare ku yaalla gobolka Khunduz ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta Daalibaan, kuwaas oo dhoola-tus milleteri ku soo bandhigay goobtaasi.1aad2 2aad1 3aad2 4aad2 5aad2 6aad1 7aad2 8aad 10aad 11aad 12aad 13aad 14aad 15aad 17aad 18aad




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *