SAWIRRO + DHEGAYSI: Xabaasuudda Oo La Ogaaday Inay Soomaaliya Ka Bixi Karto

Xabatu-sowda, waa daawo la hubo, waayo waxaa inoo sheegay Nabigeena Muxamad صلى الله عليه وسلم. Waxay dalka Soomaaliya uga timaadaa, dibadda sida:- Itoobiya iyo Hindiya, iyadoo qiimo qaali ah lagu iibiyo.

Xilli inta badan dadku fahmeen waxtarkeeda, baahida loo qabana ay ka badatay, ayaa waxaa la ogaaday in ay Soomaaliya ka bixi karto kadib markii uu tijaabiyay nin wax ka yaqaana beeraha.

War-baahinta Al-furqaan ayay u suura gashay in ay booqato goobta Xabatu-sowdada lagu beeray oo ku taalla gobolka Sh/hoose, waxaana laga soo qaaday sawirro iyada oo baxaysa iyo midhaha ay dhashay intaba, sidoo kale waxay Idaacaddu waraysi la yeelatay ninka beeraleyda ah.

Inkastoo aynu xog ku maqalnay in hadda ka hor Xabatu-sowda mar lagu tijaabiyay Afgooye, ayaa waxaa xusid mudan iney arrintan kasii muhiimsan tahay maadaama Idaacadda Al-Furqaan ay si rasmiya u soo hubisay. Sidoo kale ninka tijaabada sameeyay ayaa waxa kale uu ku guuleystay inuu beero xulbadda, oo aalaaba dalka dibaddiisa inooga timaadda. HALKAN GUJI OO MOBILE-KAAGA KU DHEGAYSO




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *