SAWIRRO: Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Yemen Iyagoo La Dagaallamaya Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Cadan (Raacdo):- Wadanka Yemen waxaa sii xoogaystay dagaallada ka dhanka ah maleeshiyaadka shiicada ridawaafidda ah, dagaalka Yemen wuxuu qarka u saaranyahay in uu isku bedelo halganka suuriya ka socda oo kale.

Halganka lagula jiro maleeshiyaadka shiicada waxaa la sheegayaa inay kaalin ku leeyihiin shacabka Soomaalida ee dega qeybo badan oo ka tirsan Koofurta Yemen.

Dagaalyahanada Suniyiinta waxaa ka barbar dagaalamaya dad soomaaliyeed oo deggaan ku ah magaalada Caden iyo gobolka Xadramuud. Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegeen in saraakiil kacdoonka ka tirsan oo soomaali ah lagu dilay dagaallada.

Waxaa lasoo bandhigay magacyada iyo sawirrada saraakiil suniyiin Soomaali ah oo lagu dilay dagaallo ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Caden.

Sida wararku sheegayaan Xasan Axmed Weyrax oo 36 sana jir ahaa waxaa la sheegay in lagu dilay dagaallo culus oo lagu xoreeyay mandiqadda istiraatiijiga ah ee Kareetar magaalada Caden.

Xasan wuxuu ahaa Cadeni guryo iyo goobo ganacsi ay qoyskiisu ku lahaayeen magaalada wuxuuna ku qasbanaaday in uu ka qeyb galo difaaca magaaladiisa.
Somali Cadani
Dagaalyahan kale oo Soomaali Cadeni ah ayaa isna lagu dilay dagaal cuslaa kaasi oo ka dhacay xaafadda Almucallah ee muhiimadda gaarka ah, dagaalyahankan waxaa lagu magacaabi jiray Axmed dhega-dheere.

Dhaga-dheere ayaa la sheegayaa inuu ahaa geesi aan gorgortan ka gelin difaaca diinka wuxuuna aad u necbaa maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ee Yemen iyo dhulka xikmadda iyo iimaanka qabsaday. somali cadani2




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *