SAWIRRO: Daawo Raadadka Khasaarihii La Gaadhsiiyey Ciidamadii Maraykanka Ee Habeenkii Jimcaha Weeraray Deggaan Ka Tirsan K/Somaliya

Muqdisho (Raacdo.com):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal fashilmay oo habeenkii Jimcaha 5.May.2017 ka dhacay deggaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay si adag uga hortageen duullaan ay ciidamo Maraykan ah ay ku qaadeen deggaanka waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidanka Mareykanka kasoo gaadhay goobta dagaalka.

Sawirro lagasoo qaaday goobtii lagu hardamay ayaa muujinayay saamaynta dagaalka iyo raadad bannaanka soo dhigaya khasaaraha gaadhay ciidamada Mareykanka.

Qeyb ka mid ah Jidhka askar American ah ayaa lagu arkay barxadda weyn ee deggaanka Daarusalaam oo uu ka dhacay mid ka mida dagaalladii ugu cuslaa ee ciidanka Mareykanka ay ka galaan dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay sagaashameeyadii xilligaasi oo 18 askari lagaga dilay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Mareykanka ayaa deggaanka Daarusalaam kaga cararay qalab milleteri iyo agabyo kale oo dhammaantood u gacan-galay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Shabaabul Mujaahidiin.

 

Aaladda GBS-ka loo yaqaan,qalab caafimaad iyo dirays melleteri ayay ciidanka Mareykanku kaga yaaceen goobta dagaalka.

Waxaa la beeniyey aan warar ay faafiyeen qaar ka tirsan warbaahinta oo sheegayay in weerarka lagu qaaday xarun ay idaacadda Andalus eek u hadasha Afka xarakadu ay ku leedahay deggaanka Daarusalaam.

Goob-joogayaal ayaa warfidiyeenka u sheegay in ciidamada Mareykanku ay Meydad iyo dhaawacyo ku daabusheen laba diyaaradood oo si dhakhso ah uga kacay gudaha deggaanka xilligaas oo dagaallo culus ay socdeen.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska AFRICOM ayaa qiray in 1 askari lagaga dilay dagaalkii Daarusalaam isla markaana 3 kale lagaga dhaawacay balse Xarakada Al-Shabaab waxay sheegaysaa in khasaaraha Mareykanka gaadhay uu intaas ka badan yahay.

HOOS ka Daawo Sawirrada goobtii lagu dagaallamay ee deggaanka Daarusalaam




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *