SAWIRRO: Ciidanka Ruush-ka Oo Iyagoo Calamadda Saliibka Sare U Qaadaya Kusii Qul-qulaya Suuriya & Masjid La Burburiyay.

Dimishiq (Raacdo.com):- Dowladda Ruushka ayaa wali sii wadda gummaadka bahalnimada ah ee ay ku heyso shacabka muslimiinta dhulka Shaam gaar ahaan waddanka Suuriya.
Boqolaal qof ayaa ku shahiiday duqeymo lagu qaaday magaalooyin dhaca waqooyiga iyo badhtamaha dalka Suuriya.

Wararka ka imanaya gobolka Xalab ayaa sheegay in diyaaradaha casriga ah ee Suuriya ay duqeeyeen magaallada Deyr-xaafir oo dowladda Islaamiga ah maamusho.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in 11 jeer ay diyaaradaha Ruushku duqeeyeen magaalada, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac shacabka gaadhay sidoo kale duqeymo culus ayaa ku dhacay magaalada Albaab ee bariga Xalab.

Magaalada Talbiisa ee gobolka Ximis waa meesha ugu daran ee ciidanka cirka ee Ruushku ay gummaadka ka geysanayaan. Guddiga kacdoonka suuriya ayaa sheegay in qeyb ahaan magaaladaasi ay dhibane la noqotay duqeymaha Ruushka.

Masjid Jaamaca Al-Nuur ee magaalada Talbiisa ayaa ku burburay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha Ruush-ku. Sawirro ay baraha Internet-ka ku faafiyeen saxafiyiin Suuriyaan ah ayaa muujinayay masjika oo burburay.

Dhinaca kale ragga sida aadka ah u soo tebiya kacdoonka suuriya ayaa barta Twitter-ka ku baahiyay muuqaal muujinayay ciidanka Ruushka oo calaamadda saliibka sare u taagaya kuwaasi oo ku sugnaa badhtamaha wadankaasi.

Duullaanka Ruushka ayaa la saadaalinayaa in uu sare u qaado dhalinyarada muslimiinta ah ee u jihaad doonanaya dhulka qiimaha weyn Islaamka ugu fadhiya ee Shaam.CRsCgdsWcAE2UXH CRsCkbYXIAEze_s CRsCogUW0AA1XYD russiasaliib

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *