SAWIRRO: Boqollaal Ruux Oo Ku Dhintay Dhul-gariir Ka Dhacay Dalalka Afganistan & Pakistan.

Kaabul (Raacdo.com):- Boqollaal Ruux ayaa dhintay, kadib markii Dhul-gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7  Richter Scale uu ku dhuftay gobollo ka tirsan dalalka Afghanistan, Pakistan iyo India.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in dad ka badan 180 Ruux ay dhinteen, in ka badan Kun ruux-na ay ku dhaawacmeen Gobolka Kheybar ee Waqooyiga dalkaasi, iyadoo la saadaalinayo inay sii korodho tirada dhimashada, maadaama uu weli go’an yahay xidhiidhkii Isgaadhsiinta ee deggaanadaasi.

Gobollada ku yaalla bariga dalka Afghanistan, gaar ahaan buuraha Hindi-koosh oo aheyd xuduntii uu dhul-gariirku kasoo billowday ayaa waxaa lasoo sheegayaa in dhimashadu ay ka badan tahay Boqol Ruux, halka Kumanaan kalena ay dhaawacmeen, isla markaana ay burbureen Boqollaal guryo ah oo dadkaasi ay daganaayeen.

Gudoomiyaha Gobolka Badash-Khaan ee Xukuumadda Kaabuul Shaah Weli Xabiib ayaa sheegay in dhul-gariirku uu baabi’iyay in ka badan 400 oo Guri oo gobolkaasi ku yaalla, taas oo sababtay in kumanaan Ruux ay hoy la’aan noqdaan.

Gobolka Takhaar ee bariga dalka Afghanistanna, wararka ka imanaya waxay sheegayaan inay geeriyoodeen 12 gabdhood oo Arday ah, kadib markii is-jiidh uu ka dhacday Iskuul ay Arday dhiganayeen, markii uu dhul-gariirku billowday. Sidoo kale Lix ruux ayaa dhul-gariirka awgiisa ugu geeriyooday Gobolka Nangahar, halka ay ku dhaawacmeen 69 Ruux oo kale.

Dadka ku nool magaalooyinka Kaabuul, Islamabad iyo New Delhi ayaa iyaguna dareemay dhul-gariirkaasi xooggan ee gilgiley Gobollada Waqooyi ee Paksitan iyo kuwa bariga Afghanistan.  Dadka magaalooyinkaasi ku nool ayaa u cararay meelaha bannaanka ah iyo Jidadka, si ay uga badbaadaan dhul-gariirka.

Sanadkii 2005-tii ayuu dalka Pakistan ku dhuftay dhul gariirkii ugu xoogganaa, iyadoo dhul-gariirkaasna ay ku naf-waayeen inkabadan 75 kun oo ruux.  Dhowrkii sano ee lasoo dhaafayna Kumanaan Ruux ayaa ku geeriyootay dhul-gariirro ka dhacay dalalka Afghanistan, Hindiya, Nepal iyo Bangaladesh.263 264 265 266 267 268 269 270 271 272




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *