SAWIRRO: Arday Ka Qalin-jabisay Machad Diiniya Oo Ay Leedahay Beesha Mursade DAAWO

Muqdisho (Raacdo.com):- Munaasabad Ballaadhan oo ka dhacday Masjidka Jaamaca Wilaayada Galgaduud ayaa lagu soo gaba-gabeeyay machad diini oo muddo Labo sano ah u furnaa Beesha Mursade oo ka mid ah beelaha degga gobalka Galgaduud Ee Badhtamaha Dalka Somaliya.

Machadkan oo lagu magacaabo Imaamu Shaafici waxaa munaasabaddii lagu soo xidhayay kasoo qeyb-galay mas’uuliyiinta xarakada Al-Shabaab ee gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo Odayaal ka kala socday gobollada kale.

Munaasabadda waxaa abaal marino qaali ah lagu gadoonsiiyay ardaydii kaalmaha sare ka gashay Imtixaankii Machadka, sidoo kale guud ahaan ardayda qalin-jabisay ayaa la gadoonsiiyay Shahaadooyin iyo abaal-marino kala duwan.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Munaasabadda Machadka Beesha Mursade.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *