SAWIRRO: Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Maydadka 6 Askari Iyo Hubkoodii Oo Shalay Ay Nolosha Ku Qabteen

Muqdisho (Raacdo.com):- Ciidamada Al-Shabaab ayaa sida lagu warramaayo nolasha ku qabtay 6 askari oo ka tirsan ciidanka dowlada federaalka kuwaasi oo si qarsoodi ah uga soo baxay degmada Ceelbuur kuna sii jeeday deggaan ka tirsan Ceelbuur.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay dileen Lixda askari ee qeybta ka ahaa ciidamada dawladda ee ku sugan degmada Ceelbuur, waxayna sidoo kale ciidamada Al-Shabaab gacanta ku dhigeen Lixdii qori iyo booshashkii lixdaasi askari ee la khaarajiyey.

Lixdan askari ee lagu dilay duleedka degmada Ceelbuur ayaa maydadkooda maanta lasoo bandhigay. Waxaana lagu warramayaa in askartaasi dhawaan la keenay degmada Ceelbuur kuwaasi oo tababar kusoo qaatay magaalada Beledweyne.2dil 3 4 5 6 CSfC3X_WIAEWDR4




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *