SAWIRRO: Al-Qaacidada Yemen Oo Nolasha Ku Qabtay Maleeshiyaad Xuutiyiinta.

Muqdisho (Raacdo.com):- Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Al-Qaacida ee Ansaaru Shareecah ee dalka Yemen ayaa weerara culus ku qaaday difaacyo maleeshiyaatka Xuuthiyiintu ay ka sameysteen qeybo ka mid ah gobalka Al-beydaa.

Difaacyada maleeshiyaadka Xuutiyiinta lagu weeraray ayaa ku yaala halka loo yaqaan buuraha Sowdaa Guraab oo ka tirsan degaal Al-zaahir ee gobalka Al-beydaa, waxaana dagaalkan ka qeyb-qaatay gaadiidka dagaalka ee Mujaahidiinta Al-qaacidada wadamada Jaziiratul Carab.

Gabi ahaan Mujaahidiinta Al-Qaacida waxey cagta mariyeen difaacyadii Xuuthiyiinta, iyadoo Ansaaru Shareecah ay baraha bulshada ku kulmaan kusoo bandhigeen difaacyadii Xuuthiyiinta oo Holcayo iyo Mujaahidiinta oo si buuxda ula wareegay difaacyadaasi.

Sidoo kale Mujaahidiinta Yemen waxey soo bandhigeen labo ka tirsan maleeshiyaatka Xuuthiyiinta oo Mujaahidiinta Al-Qaacida ay nolasha ku qabteen, waxaana mudooyinkii dambe sii kordhay dhiig-baxa xooggan ee ku socda maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ee dalka Yemen.yemen31 yemen32 yemen34 yemen-31




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *