SAWIRRO: Afhayeenka Ciidanka Booliska Dalka Uganda Oo La Dilay

Afhayeenka ciidamada Boliska dowladda Uganda ayaa shalay aroornimadii lagu dilay meel u dhow magaalada Kambala ee caasimadda dalkaasi, kadib markii lagu rasaaseeyay gaadhi uu saarnaa.

Afhayeenka oo lagu magacaabi jiray Felix Kawesi ayaa waxaa la geeriyooday waardiyihiisii iyo darawalkiisii, waxaana xusid mudan in halka ay toogashadu ka dhacday ay 100 tallaabo u jirto gurigiisa.

Xogta la helayo ayaa ku waramaysa in Felix Kawesi uu u socday jaamacad ku taalla magaalada si uu khudbad uga soo jeediyo. Sidoo kale ninkan ayaa ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Boliska wadanka Uganda.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahisay sawirrada gaadhigii uu lasocday sarkaalka la dilay kaasi oo ay ka muuqato dhiigga sarkaalka iyo burbur xooggan.

Ma jirto ilaa iyo imika cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay afhayeenkii Booliska dowlada Uganda. Waxayna saraakiil u hadashay dowladaasi halkooda kusoo koobeen in baadhitaan lagu sameynayo dilka sarkaalkaasi iyo cidda geysatay.

31 Mar 2015 ayay ahayd markii isla magaalada Kmabala lagu dilay haweeney ka tirsanayd garsoorka dowladda Uganda.

Ammaanka Uganda ayaa faraha kasii baxayay tan iyo markii ay dowladda wadankaasi ciidamadeeda usoo dirtay dalka Soomaaliya, Sidoo kale 2010 waxaa Uganda ka dhacay weerar culus oo looga dilay ku dhawaad boqol, kaasoo uu fuliyay mid kamid ah dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *