SAWIR: Somali Ka Tirsanaa Jabhatu Nusrah Oo Lagu Dilay Dagaallada Ka Socda Suuriya.

Dimishiq (Raacdo.com):- Mid ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ee kasoo hijrdooday qurbaha, kana bar-bar dagaallamayay Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay dalka Suuriya.

Ilo Jihaadiyiin ah oo Suuriya ku sugan ayaa baraha Twitterka ku faafiyay Sawirka Abuu Khaalid As-Suumaali, waxaana ay sheegeen inuu ku shahiiday dagaallo ka dhacay Mandiqadda Waadi Al-Deyf ee gobolka Idlib.

Abuu Khaalid waxa uu ka mid ahaa dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo u jihaad tegay dalka Suuriya, kuwaas oo ka qeyb-qaadanaya dagaalka ka socda dalkaasi.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Saaxadda Shaam oo dagaallo ba’ani ay ka socdaan ayaa waxaa lagu dilay dhowr dhallinyaro ah oo dalka Soomaaliya kasoo jeeda.nusra somali

Bidix: Abuu Khaalid Al-Somali




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *