SAWIR: Ciidanka Kenya Oo Gaadhi Dagaal Lagaga Gubay Libooye & Weerar Ka Dhacay Kulbiyow

Muqdisho (Raacdo.com):- Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday deggaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca cidhifka fog ee dalka Soomaaliya.

Wararka ka imanaya deggaanka Kulbiyoow ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo xooggan ay ka dhaceen gudaha deggaanka, boqolaal ka tirsan ciidamada Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen Kulbiyoow.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta deggaanka kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Jubbaland ee maamulka Axmed Madoobe.

Ciidanka Kenya oo saldhig milleteri ku leh meel 2 KM u jirta Kulbiyoow ayaan wax gurmad ah u soo sameyn ciidanka maamulka Axmed Madoobe ee lagu weeraray Kulbiyoow.

Dhinaca kale qarax xooggan ayaa ciidanka Kenya lagula beegsaday deggaanka Libooye ee dhulka Somalida NFD.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijinaya in gaadhi dagaal ciidanka Milleteriga lagaga gubay qaraxa oo ka dhacay deggaan hoos-taga degmada Gaarisa.

Sawir lagu faafiyay warbaahinta Kenya ayaa muujinaya gaadhi dagaal oo ku burburay qaraxa waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan askartii gaadhiga la socotay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *