Sarkaal Ka Tirsanaa Sirdoonka Itoobiya Oo Lagu Dilay Gudaha Degmada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud

Muqdisho (RNN):- Sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka dawladda Itoobiya ayaa xalay lagu khaarajiyey gudaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Sarkaalkan la dilay ayaa ka tirsanaa saraakiisha loo yaqaano Copy Itoobiya ama Liyou Boolis. Waxaana magaciisa lagu soo koobay Dhuubane.

Xilliga la dilay sarkaalkan ayaa la sheegayaa inuu kasoo baxay maqaaxi ku taalla badhtamaha suuqa degmadaasi. Waxaana toogtay rag hubaysan oo watay baabuur nooca raaxada ah.

Sarkaalkan la dillay ayey warbaahinta qaar sheegayaan inuu aad ula shaqayn jiray Itoobiyaanka, dhawaanna u dhiibay dhakhtar caan ka ahaa degmadaasi.

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *