Sarkaal Ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo Muqdisho Lagu Weeraray.

Muqdisho (Raacdo.com):- Rag hubeysan ayaa xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ku weeraray sarkaal ka tirsan wasaarada Gaadiidka dowlada Ridada Federaalka Somaliya.

Sarkaalka la weeraray ayaa lagu magacaabaa CabdiFataax Muxamed Axmed, waxaanay rasaastu kaga dhacday qeybaha sare ee jidhka, taasi oo sababtay in sarkaalka uu dhaawac culusi soo gaadho.

Dhaawaca sarkaalka ayaa loola cararay goobaha caafimaadka, iyadoo raggii dilka geystay la xaqiijiyay inay si nabad ah uga baxsadeen goobta ay ku weerareen sarkaalka ee xaafadda Nasteexo.

Dhanka kale weerar Bambaano ayaa lagu qaaday isbaaro ciidamada dawladdu dhigteen Biyo-degga ee xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa, waxaana la xaqiijiyay inuu jiro khasaare nafeed oo ciidamada dawladda kasoo gaadhay weerarkaasi Bambaano.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *