Saraakiil Ka Tirsan Madaxtooyada Villa Somaliya Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Raacdo.com):- Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Xarakada AlShabaab ayaa maanta how-lgal qorsheysan ku dilay laba sarkaal oo sida la sheegay ka tirsanaa Xafiiska madaxtooyada dawladda Federaalka Somaliya ee Muqdisho.

Weerarkan aya lagu warramayaa inuu ka dhacay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey in ragra weerarka fuliyey ay si nabadgalyo ah goobtaasi uga baxeen ka dib markii ay saraakiishaasi ka takhaluseen.

Sida ay baahisay Idaacadda ku hadasha Afka Al-Shabaab ee Andalus ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah Saraakiisha la dilay uu ahaa wiil uu adeer u yahay madaxweyne Xasan Sheekh, Isla markaana uu ka tirsanaa Xafiiska madaxtooyada Somaliya.

Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in Sarkaalkaasi uu madaxtooyada u qaabilsanaa xidhiidhka wadamada carabta, Isla markaana uu muddo ka shaqeynayey xafiiska madaxweynaha Dawladda Somaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi lagu dilay labada Sarkaal, Iyagoo tilmaantay in howl-galkani uu ahaa mid guuleysatay oo u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka hadafkiisu uu ahaa dilka Sarkaalka qaabilsan xidhiidhka wadamada Carabta ee uu adeerka u ahaa Xasan Sheykh Maxamuud, Isla markaana Allah uu Mujaahidiinta u fududeeyey dilkiisa, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerarro qorsheysan oo noocan oo kale ah ka fulisay magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dishay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan masuuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *