Saddex Sarkaal & 18 Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada DF Somaliya Oo Maanta Lagu Laayey Gobolka Gedo

Muqdisho (Raacdo.com):- Ku Dhawaad 20 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ayaa maanta lagu dilay weerar dhabba-gal ah oo ciidamada ciidamada Al-Shabaab ay u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidamada dawladda Somaliya, xilli ay ku socdaalayeen meel u dhow deggaanka Tuula-Barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan dawladda Federaalka Somaliya ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 3 Sarkaal ay ku jireen dadka lagu dilay weerarkaas. Nin Magaciisa lagu soo koobay Cabdi Howsar oo ah Taliyihii Police-ka ee Dooloow Iyo Gudoomiye-ku-xigeenkii degmada Baladxaawo Maxammad Faarax ayaa ka mid ahaa saraakiisha lagu dilay weerarkaas.

Saraakiil ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ee gobolkaasi Gedo oo ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 18 Askari oo ka tirsan ciidamada dawladda lagu dilay weerarkaasi, Islamarkaana uu jiro dhaawacyo fara badan.

Weerarkan ayaa ka dhacay deggaan lagu magacaabo Libaaxlow oo aad ugu dhow Tuula-barwaaqo, Waxaana la sheegay in ciidamadii dawladda ee weerarkaasi ka badbaaday ay u  kala firxadeen dhulka howdka ah.

Wadadan uu weerarku ka dhacay oo ah jidka u dhexeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey ayaa dhowr jeer marti-gelisay weerarro xooggan oo isugu jira dhabbo-gal iyo dagaallo toos ah, kuwaas oo lagu laayey Saraakiil iyo tobaneeyo ka tirsan ciidamada dawladda.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *