SAADAAL: Xubnaha Lagu Wado Inay Buuxiyaan Jagooyinkii La Iska Casilay + Xubnaha Ugu Cad Cad ilaa Hadda.

Hargeysa (Raacdo.com):- Wararka Aanu ka helayno Xubno ku dhawdhaw Madaxtooyada Ayaa Sheegaya in Xubinihii Maanta is casilay oo Halbawle Ahaa Ay xukuumadu ka baaran dagyso sidii loo heli lahaa Xubno u dhigma aha Ka Darajo sareeya.

Sida la sheegayo Waxaa ilaa hadal Wasaaradaha ugu muhiimsan la sheegayaa in loo magacaabayo
Wasiirka Arimaha Dibada waxaa loo saadaalinayaa Sadex nin oo Muhiim ah kuwaa oo kala ah
Pro Axmed Xuseen Ciise Oo Ay isku jufo yihiin Wasiirka Armahada Dibada ee is casilay sidoo kalena Ay Khilaaf xoogani kala dhex galay isaga iyo Siiraanyo shirwaynihii Kulmiye Oo uu arkaayey in lagu inqilaabay.

Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Isagu ahaa Ragii La saftay Muuse Biixi  Waagii ay Siiraanyo is Qabteen intii ka dambaysayna Madaxweynuhu uu  Quud daraynayey mudo badan sidookalena Ay Colaadi dhex martay isaga iyo Wasiirka Madaxtooyada Ee maanta is casilay taas oo Dubbe looga dhigaayo.

Pro Xuseen Cabdillaahi Bulxan Oo Isaguna ku jira Raga loo saadalinaayo Jagadan. Sidoo kale waxaa lagu wadaa Jagada Wasaarada Cadaalada Ee uu iska Casilay Muj Xuseen Caydiid in uu buuxiyo Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) Taas oo sida lagu wado  uu yahay  Masuul Miisaan culus ku leh Gayigan Somaliland,  Sidoo kale waxaa la hadal hayaa Maxmed Ibrahim Qabo. 

Dadka caawa sida aadka ah loo hadal hayo  ayaa ka mid ah Cali Mareexaan Oo Baryahan Dambe Loo Waday Wasiirka Madaxtooyada Aadna loo Saadaalinaayey Se Caawa Saacadihii dambe la sheegayo in Isaga aan looga maarmayn Dhinaca Baarlamaanka oo Hadii uu Meeshaas ka tago ay Kaalin waynu ku soo banaanaanyso Maadama oo Xubnahan is Casilay sidookalena ay awood ku yeelan karaan Baalamaanka Gudihiisa se xaga Cali Mareexaan wali lagama hayo Aqbalaad arintaa ah waxaana la sheegayaa in uu U adkaysanayo jagada W/Madaxtooyada, Waxaa iyana xiliyadan dambe aad loo hadal hayaa Maxamuud Xaashi in loo Dhiibi Doono Wasaarada Uu Eng Xirsi Baneeyey. 

Maxamed Iid Dhimbiil Ayaa sida la sheegayo lagu wadaa in la geeyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dib u dejinta Taas oo ay banaysay Wasiir kuxigeen Dib u Dejinta Nimco Xuseen Qawdhan.

Ragga aadka loo hadal hayo ayaa uu ka mid yahay Wasiirka Geeljire oo la sheegayo in wasaarada loo magacaabayo taas oo badal u noqon doonta Wasaarada Cabdi Aw Daahir iska casilay.

Xigasho: Togaherer.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *