Ruush-ka Oo Ku Dhawaad Labo Boqol Oo Qof Ku Dilay Dalka Suuriya.

Dimishiq (Raacdo.com):- In ka badan 160  qof ayaa lagu dilay Dalka Suuriya kadib Markii Duqeymo arxan-darro ah Ruushku ka geystay dalkaasi shalay oo jimco ahayd.

80 qof  oo ka mid shacabka Suuriya ayaa lagu dilay magaalada Aleppo iyo magaalooyinka u dhaw kadib markii loo gaystay weerarro is xig-xigey oo xagga cirka ah.

Ilaa iyo 25 goobood oo dhaca gobolka Aleppo ayaa si ba’an loo duqeeyay sida ay baahisay Aljazeera. Weerar kale oo Ruushku qaaday ayaa lagu dilay 61 Ruux in ka badan, 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay suuq ay ku badan yihiin shacabkU xili mashquul uu jiray. Dowladda Ruushka oo taageereysa Maamulka Bashaar ee sii dhacaya ayaa gumaad ba’an ku haya Muslimiinta Suniyiinta Suuriya.

Sarkaal ka mid ah u-doodayaasha shacabka ayaa sheegay in dad badan lagu laayay agagaarka Magaalada Dimishiq Halkaasi oo si xun ay u garaaceen diyaaradaha Ruushku.

Suuqa mashquulka badan ee Douma ayaa muddo ka badan  todobaad  la kulmaya weerarro ka imanayay maamulka uu hogaamiyo Bashaar Al-asad.

Dhanka kale, kooxda mucaaradka ee Suuriya National Council ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadlayso tacadiyada Ruushku ka wado Suuriya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ruushku  ay galeen dambiyo dagaal oo ka dhan ah shacabka. “Dambiyada dagaal ee ay galeen Ruushku  tan iyo markii ay bilowday dagaalka gardarrada ah ee Suuriya Bil ka hor, waxaa ka mid ah duqeyn loo gaystay  goobaha la deggan yahay sida cisbitaallada, dugsiyada…“ Ayaa lagu yidhi Bayaanka.

Ku dhawaad 1.716 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa ku dhintay duqeymaha  halka 12 cisbitaal la beegsaday.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *