Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Gobollada Banaadir, Shabeellooyinka & Galguduud.

Muqdisho (Raacdo.com):- Xilli inta badan gobollada dalka soomaaliya ay ka curteen roobabka Guga ayay roobab saameyn ku yeeshay adeegyada bulshadu ka da’een degmooyinka gobolka Banaadir.

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ayay Roobab mahiigaan ah ka da’een dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, roobabka oo aan geysan wax khasaare ah ayaa saameyn ku yeeshay waddooyinka laamiyada iyo jidadka kale ee ay isticmaalaan gaadiidka dadweynuhu.
Dadka barakacayaasha ee ku nool kaamamba gobolka Banaadir ayay roobabku waxyeeleeyeen guryaha cooshadaha ka sameysan ee ay deganaayeen.

Raxmadda Alle ayaa meesha ka saartay kuleyl daran oo bilihii lasoo dhaafay ka jiray magaalada caasimadda ah, sidoo kale Roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ay gobollada shabeelooyinka Bay, Bakool iyo Galguduud ee dalka Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *