Raalliyooy Tumaad tahay? W/Q: Nada Yuusuf Cumar

Marka ay laba gayaan ahi guri wada yagleelaan, kuna midoobaan nolosha dhib iyo dheefba, ayaa mid waliba waxa uu is waydiiyaa tolow,maxaad lamaanahaaga kala kulmi doonta, isaga oo qof waliba lamaanihiisa ka rajaynaya wanaag iyo khayr si ay ugu guulaystaan nolosha uguna noolaadaan farxad iyo raaxo waarta.
Haddaba, gabadha ayaa iyadu ah ta inta badan mas’uulka ah ama sabab u noqon karta sacaadada, farxadda iyo waaritaanka guurkoda iyadoo noloshoodu noqonaysa hadba sida ay wax u maamusho una hanato lamaanaheeda, maxaa yeelay waa tii hore loogu maahmaahay (gabadhi waa ninkeed bila ama ninked bi’iya).

Geesiga uu nasiibkiisu siiyo gabadh wanaagsan ayaa noqda ragga ka ugu filroon uguna horumarsan ee la majeerto sida ay dadka wax garadka ahi sheegeen (raalliya ninki helaa ragannimo ku faana)

• Raalliya, waa gabadh Ilaahay garasho iyo aqoon u siiyay hanashada saygeeda iyo habaynta, kor u qaadista sharafta iyo maamuuska nolosheeeda oo dhan.
• Raalliya, waa gabadh ku sifawda xadiiskii rasuulka (SCW) ee ahaa.
“Haddii aad eegto way ku farxad gelinaysaa, haddii aad ka tagtana waxay kuu ilaalinaysaa oo ay xafidaysaa sharafteeda, nafteeda, malkeeda iyo gurigeedaba”. Markale rasuulku (SCW) waxa uu yidhi “Adduunyada waxa yaalla oo dhami waa raaxo waxaana ugu wanaagsan raaxadaas gabadh wanaagsan oo saalixad ah”.

• Raalliya, waa gabadh u dhega nugul ninkeeda, kana fikirta mar walba wanaagga ninkeeda, ubadkeeda iyo ummaddeeda ay la nooshahay.
Sifooyinka lagu yaqaanno Raalliya Waxa ka mid ah:
1: Alle ka cabsi:

• Raalliya waa gabadh Alle ka cabsi badan, ugu horrayn waxay gudataa waajibkii Ilaahay saaray ee uu ku lahaa, marka labaadkana, waxay ku dedaashaa xaqa ninkeeda oo ay Eebbe kaga baqdo isaga iyo ubadka ay masuulka ka tahay. Maxaa yeelay waxa ay garanaysaa masuuliyadda Rabbi saaray iyo in la waydiin doono, iyada oo ku dhaqmaysa xadiiskii rasuulka SCW, ee ahaa. ((Dhammaantiin Wax aya la idin Raaciyey, Waana la weydiinaya Mid kasta wixii la Raaciyey ee Masuuliyad looga dhigay))

• Raalliya waa gabadh jecel inay mar walba iyada iyo ninkeedu meel Ilaahay ku wada caabudaan oo ay Eebbe raalli geliyaan. Waxay taqaannaa xadiiska rasuulka ee ahaa; (Yaa ka wanaagsan oo ka khayr badan gabadh intay kacday waysaysatay oo ninkeediina salaadda u kicisay, kadibna uu is yara adkeeyay, dabadeedna intay biyo yar shax ku siisay uu toosay oo uu la tukaday).

2:Aqoon.
• Raalliya, waa gabadh Ilaahay ku galladay aqoon, garasho iyo maskax wanaag.
Raalliya waa gabadh ku dedaasha kor u qaadista aqoonteeda una diyaar garowda ubadka uu Ilaahay deeqda u siiyay.
• Raalliya, waa gabadh rabta inay ubadkeedu noqdaan ubad ay dhashay hooyo aqoon lehi oo aanay la mid noqon ubadka ay dhasho hooyo jaahilada.Maxaa yeelay waxay aad u garanaysaa micnaha ay xanbaarsantay aayadda uu Ilaahay (SW) leeyahay (miyay siman yihiin kuwa wax garanaya iyo kuwo aan waxba garanayn).

• Raalliya, waa gabadh aqoon fiican u leh, waxa uu ninkeedu jecelyahay hormoodna ku noqonayo, raggna ku dhaafayo.
Sidoo kale Raalliya, waa gabadh aqoon fiican u leh wax kasta oo aanu ninkeedu jeclayn oo cadho gelinaya, dhibsanayana inuu maqlo ama arko ama lagu sameeyo. Sidoo kale,
• Raalliya, waa gabadh aragti dheer u leh dhaqammada ninkeeda si ay wax uga ogaato kuwooda xunxun iyo kuwa wanaagsanba iyada oo isku dayaysa kuwa wanaagsan inay ku dhiirrigeliso kuna hambalyayso, kuwa xunxun ama aan wanaagsanayna waxay isku daydaa sidii ay uga joojin lahayd iyada oo adeegsanaysa xeelado iyo caqli wanaagsan.

3: Jacayl iyo ixtiraam,
• Raalliya, waa gabadh kalgacal badan mar kastana waxay isku daydaa inay qalbiga ninkeeda jacayl iyo wanaag gashato.
• Raalliya, waa gabadh ku sifowda ama isku dayda inay ku rumawdo xadiiska rasuulku (SCW), ragga kula hadlayo ee uu yidhi
“Waxaad guursataan gabadh dhal badan oo jacayl badan”. Jacaylku waa wax la beeri karo waxaana awoodda inay beerto gabadha raalliyada ah.

Waxyaabaha ay ku beerto Raalliya, jacaylka ninkeeda waxa ka mida;
1. Iyada oo mar walba adeegsata hadallo naxariis, jacayl iyo wanaag ka muuqdo.
2. Waxay samaysaa wax kasta oo ay ku kasbanayso jacaylka ninkeeda, kuna gaadhayso farxaddisa iyo barwaaqada noloshooda.

• Raalliya, kama xishooto inay ninkeeda u sheegto inay jeceshay ama ay kula hadasho hadallo kalgacal leh.
• Raalliya, dhaqammada wanaagsan ee ay ninkeeda kula dhaqanto waxa ka mida, marka uu soo istaago ninkeedu albaabka guriga ee uu ka yimaaddo hawlaha shaqo waxa ay taqaannaa garaaciisa, iyada mooyee cid kalena kama furto, kuma waajahdo (qaabbisho) hiif, diiqad iyo weji adkaan ee waxay ku qaabishaa weji ay ka muuqato farxad kalgacal iyo dhunkasho iyada oo qoslaysa.

Kadib waxay usoo kaxaysaa qolkiisa gaarka ah ee loo yaqaanno qolka jiifka, halkaa oo ay xoogaa ku nasiso kabaha iyo waxyaabaha gubayana kaga reebto.

• Raalliya, waa gabadh ixtiraam badan, ninkeedana waxay u muujisaa mar walba inuu yahay masuul oo iyada masuul ka yahay waxay mar kasta fulisaa amarradiisa ixtiraam darteed.
• Raalliya, waxay aad usoo dhawaysaa hadallada iyo ficillada wan wanaagsan ee ninkeeda. Sidoo kalena waxay ixtiraam dheeraada siisaa oo ay u muujisaa ehelada ninkeeda, iyada oo taqaanna qof walba meesha uu u taagan yahay.

• Raalliya, waa gabadh gaariya oo nadaafad badan, ka shaqaysa quruxdeeda iyo ta gurigeeda iyo ta ubadkeeda iyo ta ninkeedaba.
Guntii iyo gebagebadii, waxan kaga tegayaa haweenka Soomaaliyeed ee jecel inay noqdaan gabdho raggooda raalligeliya inay ku dedaalaan sad-dexdan shay oo ah saddexda gabadh lagu xusho, ragguna dumarka inay ka helaan ay ugu jecel yihiin:

1. Gogol wanaagsan,
2. Gasiin geedo leh, iyo
3. Gacal soo dhawayn.

Nada Yuusuf Cumar




One thought on “Raalliyooy Tumaad tahay? W/Q: Nada Yuusuf Cumar

  1. Abdi

    Walaal waad mahadsantahay. Laakiin gabdhahha soomaalida inaan astaamahaas aad sheegtay laga helayn 95% ayaan aaminsanahay wakhti xadiirkan

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *