Qaraxyo Xooggan Oo Ruxay Magaalada Kaabul Ee Xarunta Dalka Afganistan

Qarax weyn ayaa waabarigii hore ee Saaka gil-gilay meel ku dhow Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Kaabuul ee Caasimadda Dalka Afghanistan, iyadoo qaraxaasi kadib la maqlayay rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen rag hubeysan iyo Ciidamada Ammaanka.

Ilo-wareed ka tirsan Ciidamada Booliiska ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP in gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qarxiyay Xaafadda Maxamuud Khaan ee magaalada Kaabuul, halkaas oo ay ku yaallaan Saldhigyo Millateri iyo Xarumo ay dagan yihiin Diblumaasiyiinta reer galbeedka ah.

Qaraxa ayaa waxa uu sababay inay ruxmaan dhismayaasha Xaafaddaasi ku yaalla, isla markaana ay soo daataan Muraayadaha daaqadaha, waxaana Cirka isku shareeray qiiq madow, iyadoo la maqlayay gawaadhida gurmadka deg-degga ah oo sii galaya goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xarakada islaamiga ah ee Daalibaan ayaa Bayaan ay soo saartay waxay ku sheegatay Mas’uuliyadda howl-galkaasi, iyadoo xustay in Mujaahidiintu ay weerarro culus ku ekeeyeen dhismaha Xarunta Sirdoonka Maamulka Xukuumadda daba dhilifka ah ee Kaabuul, waa sida ay hadalka u dhigeene, kaas oo ka agdhow halka ay ku yaallaan Safaaradaha reer galbeedka iyo Xarumaha ammaankooda aadka loo ilaaliyo ee magaaladaasi.

Bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Daalibaan waxay sidoo kale ku sheegeen in qaraxa kadib ay gudaha Xarunta galeen rag qaabilsan dhanka xoog-ku-galka, kuwaas oo iska hor imaad toos ah la galay Ciidamadii Xerada ku sugnaa, iyadoo Bayaanka uu tilmaamay inuu jiro khasaare xooggan oo Cadowga soo gaadhay.

Howl-galkan qorsheysan ee ka dhacay magaalada Kaabuul waxa uu imanayaa todobaad kadib markii Mujaahidiinta Xarakada islaamiga ah ee Daalibaan ay ku dhawaaqeen howl-galkii Sanadlahaa ee xilliga Gu’ga, kaas oo si isku wada mid ah uga billowday guud ahaan Dalka Afghanistan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *