Qaraxyo Ciidamada AMISOM & Alpha Group Lagula Beegsaday Marka Iyo Duleedka Muqdisho

Muqdisho (Raacdo):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa xaqiijinaya in shalay duhurkii ciidamada AMISOM eek u sugan gudaha magaalada Marka lagu weeraray bambaano nooca gacanta laga tuura ah.

Goob joogayaal ayaa war-fidiyeenka u sheegay in Rasaas ay fureen ciidanka shisheeye uu hal qof shacab ah ku dhintay iyadoo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu soo gaadhay ciidamada shisheeyaha waloow aan la ogeyn tirada ciidanka ka dhintay.

Qarax kale oo xalay fiidkii ka dhacay agagaarka ceelasha biyaha ayaa lala beegsaday ciidamada Nabadsugidda dowladda Federaalka Somaliya gaar ahaan kuwa loola baxay Alpha group.

Qaraxan waxa uu si gaar ah uga dhacay agagaarka saldhiga deegaanka Ceelasha biyaha gaar ahaan kasoo horjeedka xarunta Dahabshiil oo ku dhaw saldhiga deegaanka. Waxaana dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay degmada Lafoole iyo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Goo-joogayaal ka agdhawaa goobta qaraxa waxey sheegeen in miinadu ay la kacday gaadhi Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Alpha Group, waxaana jira khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed oo ciidamada dawladda kasoo gaadhay qaraxaasi.

Ciidamada Alpha Group qaraxa kadib waxay fureen rasaas fara badan oo ay ku khalkhaliyeen dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanka Ceelasha biyah. Waxaana qaraxani kusoo aadayaa xilli taliska nabadsugidda dowladda Federaalka maalmo ka hor sheegeen inay sugeen amaanka Ceelsha Biyaha oo ay ka hor-tageen weerarrada Mujaahidiinta.

Dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shalay duhurkii weerar ku qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM ka sameysteen deegaanka Tooratoorow ee isla gobolka shabeelaha Hoose.

Raacdo.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *