Qaraxyo Ay Ku Dhinteen Askar Oo Ka Dhacay Muqdisho & Baydhabo.

Muqdisho (Raacdo.com):- Laba qarax oo kala ahaa Miino dhulka lagu aasay iyo qarax ka dhashay Bam-gacmeed ayaa xalay lagu weeraray ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa maamulka koonfur galbeed.

Qaraxa Koowaad oo ahaa Bam-gacmeed ayaa lagu tuuray ciidamada Dowladda ee ku sugan Warshadda Barafuunka ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo ka tirsan askarta Dowladda ayaa ku dhintay qaraxa, laba kalena way ku dhaawacmeen.

Qarax Miino oo dhulka Lagu aasay ayaa lagu qarxiyay goob fadhiisin u ah ciidamada Dowladda oo ku taalla dulleedka Magaalada Baydhabo.

Miinada ayaa lagu aasay Deynuunay goob ay kaga sugnaan jireen ciidamada dawladdu, waxaana la sheegayaa in halkaasi ay ku dhinteen 2 askari iyadoo ay dhaawacmeen 4 askari.

Dowladda iyo maamulka Shariif Xasan weli kama aanay hadlin weerarrada qaraxyada loo adeegsaday oo loo badinaayo inay kaga yimaadeen dhanka Xarakada Al-Shabaab.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *