Qarax Sababay Dhimasho & Dhaawac Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan.

Islam-Abad (Raacdo.com):- Weerar qarax ah isla markaana aad loo maqlay ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay waxa uu ka dhacay dalka Pakistaan, kaas oo lala beegsaday shaqaale ka tirsan dowladda Pakistaan oo ku socdaalayay gaadhi Bas ah oo ay wateen.

 

Gaadhiga Bas-ka ah oo marayey mandiqadda Kuweta ee gobolka Boloshistaan ayaa waxaa saarnaa shaqaale ka tirsan dowladda , kuwaas oo shaqadooda kasoo laabtey, waxaana markii ay marayeen meel u dhow magaalada Kuweta la maqlay qarax xooggan, kaas o sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhey shaqaalihii saarnaa gaadhiga.

 

Sarkaal ka tirsan Booliiska ayaa waxa uu sheegey in qaraxu ay u maleynayaan in lagu xidhay dhinaca dambe ee gaadhiga, isla markaana uu ahaa miino waqti lagu xidhey, waxaana uu sheegey inay ku dhinteen 11 Ruux halka 22 kalena ay dhaawacmeen.

 

Dhakhtar ku sugan Cisbitaalka magaalada ayaa sheegey in dhaawacyada lasoo gaadhsiiyey uu mid kavmid ah dhintey, halka saddex kalena ay haatan mir-beel ku jiraan.

 

Lama oga illaa iyo hadda cida ka dambeysa weerarkan khasaaraha dhaliyey, balse waxaa mandiqadda uu ka dhacay ka howl-gala Jamaacaad Islaami ah iyo kooxo ku kacsan dowladda dalka Pakistaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *