Qarax Lala Beegsaday Kolonyo Ka Tirsan AMISOM.

Wararka laga helayo gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lagula beegsaday qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Qaraxani waxa uu sigaar ah uga dhacay wadada isku xidha magaalada Marka iyo degmada Afgooye, iyadoo warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan qaraxaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayay wararku xaqiijiyeen inay haleeshay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Idaacada Al-Shabaab ayaa baahisay in miinadu ay burburisay gaadhi xamuul ah oo Konteenar siday, waxaana sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar ka tirsan shisheeyaha.

Kolanyada qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay iney sahay u geeyeen shisheeyaha ku sugan duleedka degmada Baraawe.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *