Qarax Culus Oo Lala Beegsaday Baabuur Ay Wateen Ciidamada Itoobiya Ee Ku Sugan Somaliya

Muqdisho (Raacdo):- Qarax culus ayaa kolanyo ka tirsan ciidamada itoobiya lagula beegsaday wadada isku xidha magaalada Baydhabo iyo degmada Buur-hakabo ee gobolka Baay ee dalka Somaliya.

Qaraxa oo waxyeello ba’an geystay ayaa loo adeegsaday miinada meelaha fog laga hago, waxaaney la kacday gaadhi Uuraal ah oo kasoo baxay magaalada Baydhabo kuna sii jeeday degmada Buurhakabo oo ka mid ah goobaha ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin gobalada Baay iyo Bakool.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxa uu labo u kala jaray gaadhiga Uuraalka ah ee miinadu ay la kacday, halka ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee la socdayna ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen. Waxaanay dadka deegaanka Mooda-Mooda ay xaqiijiyeen in inta badan askartii Xabashidu ay ku qudh-baxeen qaraxaasi.

Kolanyada Xabashida Ithoobiya ee qaraxa lagula beegsaday deggaanka Mooda-Mooda ayaa muddo saacada ah xidhay wadada xidhiidhisa Buurhakabo iyo Baydhabo ee gobolka Baay.

Raacdo.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *