Qaramada Midoobey Oo Buskut Dhacay Ka Qaybisey Dalka Suuriya.

Dimishiq (Raacdo.com):- Magaalada Zabadaaniyah ee dalka Suuriya oo dhawaan heshiis ay kuwada gaadheen kooxaha Mucaaradka iyo Nidaamka dalkaas ayaa hey’adda Qaramada Midoobay waxay ka qeybisey dalkaasi Buskut dhacay oo aad u fara badan.

Buskut-ka laga qeybiyey magaalada oo gaadhaya 650 kartoon ayaa la ogaadey in dhamaantood ay dhaceen, isla markaana halis yihiin, waxaana markii fadeexaddaas soo if-baxdey ay raggii qeybiyey Buskut-kaas oo hoos-taga Qaramada Midoobey waxay isku dayayaan inay qariyaan iyagoo balan-qaadey in inta baxdey lasoo celin doono, taas oo aan u muuqan mid suurta geli karta maadaama dadka qaar ay markiiba isticmaaleen oo ay cuneen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *