OGEYSIIN & BUSHAARAYN: Dhammaan Akhyaarta Ku Taxan Web-kayaga RAACDO.COM

Bismillaah.

Walaalayaal sida aanu filayno inaad la socoteen waxaa bilahan dambe oo dhan jirtay dibu-dhac baaxad leh oo ku yimi Webkayagan Raacdo.com. Dibu-dhacaasi Waxaa keenay cillado aad u fara badan oo lasoo dersay isla markaana curyaamiyey Webka.

Cilladuhu ma aanay ahayn kuwo loo maaro waayey waxay-se ahaayeen kuwo iska fudud balse la hagraday. Sidaasi  darteed waxaanu haatan ka fikirnay sidii nusqaantaasi oo kale aanay mar dambe noogu dhici lahayn bi’idnillaah.

Waxaanu muddo abla-ablaynaba, kama-dambaystii waxaanu soo saarnay go’aan ah in gabi-ahaantiisba laga wareego webkan, lana yagleelo Shabakad cusub oo qalabkeedu u dhan yahay, hadday noqoto dhanka farsamada, cillad-saarista iyo wixii la mida.

Haddii aan idiin soo qaddimo magaca Webka cusub ee dhidibada aanu taagnay waa FOOLAAD, Waxaanan Ilaahay ka rajaynaynaa inuu noqdo sida magaciisaba ka muuqata Foolaad-ka Warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga. Waxaana loo galayaa sidan http://www.foolaad.com.

Shabakadda FOOLAAD hawl-wadeennadiisu waa kuwii aad horeyba ugu soo barateen Raacdo. Himiladiisuna waa kor-u-qaadista diinteena suuban ee Islaamka. Hal-ku-dheggiisana horeyba waad u taqaaneen waana Warar Sugan, Diinteena Suuban & Suugaan.

Wax alla wixii aad kala socon jirteen Webka Raacdo, waxaad Insha Allaah kala socon doontaan, isla markaana aad ka helaysaan Shabakadda FOOLAAD. Waxaana dhanka cillad-ka-saaristeedana hadh iyo habeen-ba heegan u ah Injineer si weyn ugu takhasusay IT-ga.

Guntii iyo gunaanadkii waxaanu idin leenahay ha moogaanina http://www.foolaad.com/ oo bi’idnillaahi Kariim noqon doona Shabakad hir-gasha oo hana-qaadda. Waxaana sidii aad horeyba nooga barateen idiin soo gudbin doonaa Warar Hufan iyo weliba wixii aanu u aragno inay faa’iido inoo leeyihiin.

 

Shabakadda Foolaad Kala Xidhiidh:

Telefoon: +252-63-4600500

E-mail:  info@foolaad.com

foolaadmedia@gmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *