Nuxurka Qodobo Garabka Muuse Biixi Hor Dhigeen Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(Raacdo.com):- Kulamo habeennadii u dambeeyay u socday madaxweyne Siilaanyo iyo garabyada Kulmiye ee ku muransan qabanqaabada shirka Kulmiye ayaanay wali wax natiijo ahi ka soo bixin. Madaxweynaha ayaa hore kulamo gooni-gooni ah ula yeeshay labada garab ee loolamaya.

 

Kulan madaxweyne Siilaanyo isku soo horfadhiisin lahaa dhinacyada ay kala hogaaminayaan  Muuse Biixi iyo musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale ayaa baaqday kadib markii Garabka musharaxiinta isbahaystay ka soo xaadiri waayeen kulankaasi.

 

Garabka uu hogaaminayo guddoomiye Muuse Biixi, ayaa la sheegay inay xalay ku kaliyaysteen madaxweynaha, islamarkaana hor dhigeen laba qodob oo kala ah inaan sinaba dib loogu dhigin shirka golaha dhexe ee Kulmiye, laguna qabto 10ka November oo hore loogu asteeyay iyo in guddi madax banaan oo ay ka mid yihiin xeer ilaalinta, Komishanka doorashada, hay’adda maamul wanaagga, wasiir caddami iyo maxakamadda sare loo saaro muranka ku saabsan hubinta liiska golaha dhexe.

 

Garabka Musharaxiinta isbahaystay waxay habeen hore madaxweynaha kala hadleen in shirka golaha dhexe dib loo dhigo, si loo dhammaystiro cabashooyinkooda ku aadan in labada dhinac wada jir u qabanqaabiyaan shirka iyo in liiska golaha dhexe la isla hubiyo ka hor shirka golaha dhexe.

 

Ma cadda ilaa hadda sababta garabka musharaxiinta isbahaystay uga baaqdeen kulanka xalay balse hore waxay madaxweynaha ugu eedeeyeen inuu la safan yahay garabka Muuse Biixi Cabdi, sidoo kalena ma cadda sida madaxweyne dhex uga noqon doono dalabyada kala gedisan ee labada garab hordhigeen.

Ramaasnews

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *