NINKII U HAN WAYN HOGAANKA SONYOW, HANKAAGU HA DHAAFO REER HEBEL.

dabDad qabiil la daadagay
Daacadnimo ha waydiin

Ubaxii dillaaciyo
Da’yartiyo barbaartii
Waxay uga dareereen
Bal daliil u soo hela !!!!!!

Abwaan Canbalaash

 

waxay igu ahayd af-kala qaad, u qaadan waa, iyo wax maankayga iyo maskaxdaydaba in badan ged gedoon ku sameeyay, waxay ahayd markii iigu horaysay ee aan ka qayb galo shir lagu dooranayo gudoonka sare ee Sonyo, daqiiqadihii iigu horeeyay ee aan goobta tagay, jawigaygu wuxuu ahaa mid qurux badan oo aan dareemayay yididiilo iyo rajo fiican, waxaan is lahaa dhaliyaradii,ubixii, labeentii,masiirkii iyo mustaqbalkii dalku hana qaad oo markaan qacdii ugu horaysay jaleecay ergooyinka tirada badan ee isaga yimid gobolada dalka oo dhan ayaan niyad sami badan iyo daganaan qalbigaa dareemay, xafladii furitaanka sidii loo soo agaasimay, dadkii lagu soo casuumay, kaftankii bilaa turxaanta ahaa ee xisbiyadii mucaaridka iyo xukuumada dhex marayay, intaasiba waxay hor dhac u ahaayeen sida qof kastaa ugu niyad san yahay dallada Sonyo, qofkasta oo siyaasiya oo mikarafoonka qaataana wuxuu amaan dusha ka huwinayay ururka dhalinyarada oo uu u soo qaadanayay in wax badan laga baran karo, sida

  • doorasho wakhtigeeda dhacda, isla maalintii la cayimay, isla saacadi iyo isla goobtii.
  • xalinta khilaafadka gudahooda
  • isku soo ururinta dhalinyarada iyo midayntooda
  • isku tanaasul iyo is garab galid

Ereyadasi waxay ahaayeen qaar qalbiyada dadkii goob joogayaasha ahaa ay si gaara ugu raaxaysanayeen, erey kasta oo amaan u ah dhalinyaradana waxaa is oogsanayay sacab,sawaxan, dhawaaq iyo qosol.

Shirkii la fur oo madaxdii la fasax,aan dib maskaxdiina waxoogaa u celiyo si aad goobtii iila tagtaan ood iila jaaan qaadan, hada waa 11:30 duhurnimo, waa wakhtigii la isku dayayay in la furo shirka, nasiib daro ilaa saacadan shirkii ma furmin, hada waxan hor taaganahay barxada hore ee Ambasador hotel, durtaba waxaa bilaabmay qas iyo jaha wareer iyo xaalad aan garan waayay siday tahay, laba laba ayaa goobkasta loo taagan yahay, labadii isku reeriba meelbay si gaara ugu faqayaan, wali ma fahmin waxa khaldan iyo ujeedada sidan loo yeelayo, wali waxaan rajo ka qabaa in la galo hoolka shirku ka socdo, kolba laba meel taagan ayaan u tagayaa oo aan leeyahay soo gala shirku ha inoo bilaabmee, jawaabaha la I siinayaa waxa weeyaan, waar kana muxuu ahaa iyo waa qoloma, dib ayaan iskaga noqday oo hada waxaan taaganahay goob cidlaa oo barxada hudheelka ah oo aan kaliday madaxa ka ruxayo,xuuraankaygii iyo war doonkaygii waxaan ku soo helay in uu jiro khilaaf culus oo laba garab u kala qaybiyay ergyooyinkii ka qaybgalayay shirwaynahan ,shirwaynaha qorshihiisu wuxuu ahaa in lagu soo gunaado laba cisho oo kala ahaa, Sabti iyo Axad, laguna doorto hogaanka cusub ee dallada Sonyo ee labada sano ee soo socda, wali waxba ma jiraan, taasi waa lagu guul daraystay in shirku si habsami ah u bilaabmo,ka dib markii xal loo waayay khilaafkaa labada garab u qaybiyay ergooyinkii ka qayb galayay shirka ee isagana kala yimid gobollada dalka ee kala taagersan labada murrashax ee u tartamaya guddoomiyenimada Sonyo, iyadoo labadii maalmood ee loogu talo galay aanay mar kaliya si midaysan ergooyinku u fadhiisan hoolka madasha shirwaynaha marka laga reebo daqiiqadihii ugu horeeyay ee furintaanka shirwaynaha ee ay masuuliyiintii furayay ka soo qayb galeen, khudbadahana ka jeedinayeen, khilaafkan oo aan isku dayay inaan helo ubucdiisa ayaa waxaa uu yahay in hal urur oo magaciisa lagu sheegay SEEYO oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, lagu guurdaraystay in xal loo helo, labdiisa xubnood oo ay isku haysteen laba reer oo wada daga gobolka Sanaag oo bari iyo galbeed ka soo kala jeeda,kalana taabac san yihiin labada musharax guddoomiye oo iyaguna u kala dhashay gobollada Hagaya iyo Awdal. Marar badan oo la isku dayay in xal loo helana lagu guul daraystay, xitaa ay ku guula daraysteen wasiiro xukuumada ka tirsan iyo madax dhaqameedyo goobta yimidba, khilaafkaasi wuxu noqday mid gabi ahaanba lagu guuldaraysay, sidoo kale xubno dibada ah oo ergo ahaan iyaguna marar dhawr ah u galay ayaa isla iyaguna ku guul daraystay inay xaliyaan arintaasi, taasi oo noqotay Luqmatul Xashar la maarayn kari waayay oo ilaa maanta oo ay bishu thaay Febraury 03,2015 lagu guulayan kari laayahay in xal loo helo.

Hadaba amaantii dusha laga huwinayay ururka Sonyo waxay ahayd afka baarkiisa uun, dhamaan dadka Sonyo amaanayay waxay arkayeen uun dusha sare ee ururka iyo labiska quruxda badan ee suudhadhka u badnaa ee ay ergooyinka ay ururada soo dirteen ee ka qayb galayay shirku ay ku labisnaayeen, farxadii , yididiiladii yo rayn rayntii may noqon mid sii waarta ,Dhawaaqa dhiilada leh ee SONYO ka soo baxayaana muu noqon mid quluubtayda iyo quluubta dhalinyaro badan raali galiyay,wax kastaa waxay ku qurux badanyihiin marka loo wado sidii loogu talo galay, amakaaygii ugu waynaa wuxuu ahaa markaan goobta joogay ee aan dhex galay dhalinyarada, kalmadaha ugu badan ee afkooga ka soo baxaysay waxay u badnaayeen , anaa reer hebel ah iyo reer hebel waa inagu cadow, subxaanaka yaa cadiim, waar miyaad aragtay nin wayn oo aqoonyahan lagu sheegayo, oo heer jaamacadeed oo DEGREE iyo MASTER sita oo intuu laabto garaaco leh , Anagoo Araba, Anagoo Habar Awal Ah, Anagoo Habar Jeclaa, Anagoo Galxajisa, Anagoo Hartiya, Anagoo Samaroona, daqiiqadihii aan dhawaaqa kalmadaasi maqlay walaahi maan qiyaasi karayn rajadaydu halkay maraysay iyo halkay dib ugu soo noqotay, waxaan dib u xasuustay hayaanka iyo geedigu halkuu ku socday iyo halka uu marayo, waxaan anoo afkayga ka dhawrayay in badan aan maanta idiin sheegayaa, inaanay dhalinyaradan hadda joogtaa aanay marnaba noqon doonin kuwa dhaami doona odayaasha lagu xanto qabiilka, laakin dhalinyaradan hada aqoonta iyo casriga sheeganaysaa ay yihiin kuwa hormuudka u ah QUDHUNKA IYO QAYBAALADA, ma qiyaasi karaysaan intiinii aan ogayneey in shirka dhalinyarada SONYO uu u dhaqaaqi waayay qabyaalad darteed, mase ogtahay in goobta shirka lagu qabanayay la isku dhex waydiinayay qolooyinka, sidoo kale goobta wax lagu dooranayay la isku baayacayay aduun la iskuna garab sanayay talaay yaa reer hebelaay, waa ayaan daro in labada nin e u sharaxan inay hogaanka uqabtaan Sonyo ay yihiin laba nin oo aan marnaba u qalmin hogaanka dallada, ma odhan karno qabiil kamuu dhex jirin dallada SONYO sanadihii hore, se wax kastaa huuriska iyo qarinta ayay ku wanagsan yihiin sanadahaas horena dibada waxba ugamay soo bixi jirin, maan filayn in dhamaan gobolada dalka maanta laga maqlo is haysashada ururka dhalinyarada,ay gaadhana saxaafada oo TV-yada laga soo daayo is haysashadooda iyo murankooda, taasi waxay adhax jab iyo niyad jab ku ridaysaa intii tirada yarayd ee ka hadhay tahriibka ee rajo iyo yididiilo ka qabay wadankan, meeyeen kuwii odhan jiray waxaanu nahay mustaqbalka bari, waxaanu nahay kuwa badali doona odayaasha, meeyeen kuwii ku faani jiray inay yihiin hormuud wax bartay oo tirtiri doona qudhunka iyo qabiilka qabyaaladu leeyahay, miyaanay ahayn kuwan maanta iyagu jiridii abqaalay ee ku beeraya badwaynta dhexdeeda si aaanay abid u qalalin.

Meeyeen dhalinyaradii ku faani jiray inay qabyaalada neceb yihiin, sawkuwii odhan jiray odayaasha xilalka hayaa dhalinyarada may wax u ogolaadaan iyagaa ka madhan qabyaalade, SONYO maanta waxay tusaale fiican u tahay inay dhalinyaradu aanay ka duwanayn qolyihii ka horeeyay ee jidka habawysan ee qabyaalada hore cagta u saaray, iyagaaba kaga sii xun qabyaalada, nidaam xumida, ku dhaqanka qabiilka , naxliga iyo nashuushada, kuwaas miyaan ku aamini karnaa dalka waxaasi ka dhex samaynaya urur yaroo lagu dooranayo hogaan oo wakhtiguu haynaya ay koobantahay, mee tallow damiirkii fayoobaa, meeday garashadii hagaagsanayd, meeday aqoontii ay ku faani jireen,ma filaysaa inay kuwaasi marna odhan doonaan qaybaalada ha la joojiyo ama nidaamka ay keeni doonaan uu badali doona kuwan imika jooga, kuwa la badalayo ee odayaasha ah kuwan ayaa ka liita 10 jeer oo ka caqli xun, ka garaad liita, kana damiir iyo damac xun, odayga meesha jooga ee aan qabiilka ku cayno waxaa lagu xantaa inaanu shahaado sidan, se adiga dhalinyar ahaan shahaado ayaan sidataa, waxaad tidhi waxaan ahay aqoon yahan, aqoontu biyo dhigtay, se been ayaad ka sheegaysaan shahaadaad sidataan , malahayga gaarkaa taad aad sidataan waa waa mid qudhun iyo qabiil ah,

Masiibadu halkaas ayay taalaa waa aqoon yahan lagu canqariyay qabyaalad oon caqligoodii isticmaalayn aqoontisii uu soo bartayna godob ka galay , waxaan filayay in bulshada ay ifiye iyo iftiin ay u noqon doonaan, balse iyagii ayaa kabriid ku sii qabtay bahashii oo cirkaa geeyay, miyaynaan odhan karayn dhalinyaradii laga sugayay is dhex galka dhalinyarada kala duwan, iyagaa u aabo ah qudhunka, qabyaalada iyo is kooxaysiga,guntii, gabagabadii iyo gunaanadkii waxana soo jeedin lahaa talooyinkan oo aan is leeyahay hadii mid ka mid ah lagu dhaqmo waxay xal waara u keeni karaan sii jiritaanka Sonyo

  • SONYO hadday dhalinta Somaliland leedahay oo ay metesho waan in labada gudoomiye ee la doortayba loo mahad naqaa oo la fasaxaa, gudoomiye cusubna dhalinta faraha badan ee Somaliland laga soo doortaa iyada oo arinta loo marayo guddi dhexe oo aan ahayn kuwii wax doortay, kuwii la doortay iyo kuwii xilkoodu dhamaaday midna.
  • Haddii se SONYO ay tahay ururo yar yar oo isku yimid oo isticmaala magaca dhalinta Somaliland malaha waxa haboon in aanay ku hadal magaca dhalinyarada Somaliland oo ay markaa siyaasiyiin iska noqdaan, ururkana u badalan mid iskii isaga shaqaysa oo aan matelin dhalinyarada iyo cid toona.
  • Sonyo haday ku heshiin waayeen shaqsiyaadkii ku xoogsan jiray ama ururaday matalaysay haday ku heshiin waayeen waa in Muftaaxa aqalk lagu wareejiyo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, ruqsada ururnimo ee wasaarada qorshayntu siisayna lagala noqdo, Intii beelo laysku jiid-jiidan lahaa
  • Soo jeedinta ugu danbaysaa waxay tahay in doorkan loo daayo hogaanka Sonyo gobolada Awdal iyo Sool, oo aan hore hogaanka u soo qaban, lana eego bal waxay ku soo kordhiyaan dallada dhalinyarada Sonyo, iyadoo aan is leeyahay waxay wax ka badali doontaa, dareenadii iyo tuhunadii ay qabeen dhalinyarada Awdal iyo Sool ee ahaa in hogaanka Dallada laga soo doorto gobolka Maroodi jeex oo qudha.

 

Qalinkii : Abdifataax Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka )

Mobile :4474468

MBA student in Jomo kenyata University




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *