Mu’tamarkii 4-aad Oo Si Habsami Leh Uga Socda Magaalada Kampala + SAWIRRO XUL AH

Kampala (RNN):-Waxaa shalay oo bishu ahayd 06/05/2015 uu galay Mu’tamarkii diiniga ahaa ee ka socday dalka Uganda maalintiisii afraad, waxaana halkii ka sii socday duruustii iyo tawjiihaadkii ay culimadu wadeen.

Culimada sanadkan mu’tamarka lagu martiqaaday waxaa ka mid ahaa:-

1. Sh.Maxamed Cabdi Umal Kenya, Nairobi

  1. Sh. Maxamed Qaasim Kenya, Nairobi
  2. Sh. Maxamed Al-Yemani Kenya, Nairobi
  3. Sh. Xasan Al- basri Somaliya , Muqdisho
  4. Sh. Cabdinuur Farah Taano Kenya , Mandheera.
  5. Sh. Maxamed Aadan Abdile Koofur afrika, Johannesburg.

Shalay aroortii waxaa hoolka wayn ee jaamacada caalamiga ee bariga afrika ka galay muxaadaro cinwaankeedu uu ahaa (DHALINYARADANADA HALKEE U SOCOTAA?) Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Abdinuur Faarax Taano oo si faahfaahsan uga hadlay mowduucyo ay ka mid ahaayeen Tahriibka iyo dhalinyarada in ay ka digtoonaadaan afkaarta Khaldan ee dhalinyarada lagu siro oo lagu marin habaabiyo.

Muxaadarada oo gaar u ahayd Ardayda jaamacadaha ayaa waxaa ardayda looga jawaabay su’aalo aad u fara badan oo uu ka jawaabay Sh. Umal, waxayna ahayd muxaadaradii labaad ee ardayda loo galo oo mu’tamarka ka mid ahayd.

Isla shalay waxaa muxaadaro aad u qiimo badan oo su’aalana looga jawaabayay u galay dumarka Sheekh Maxamed Yemaani iyadoo muxaadaradaa ay ka dhacaday Masjidka Towxiid. Casar dabadiina waxaa muxaadaro ka galay masjidka towxiid Sh Maxamed Aadan abdile oo ku saabsananayd dul istaagid suuratul casri.

Axaddii oo ahayd maalintii saddexaad ee mutamarka waxaa culimada iyo ganacsatada magaalada Kampala u sameeyay qado sharaf Markazka Towxiid, qada sharafta oo ay ka soo qayb galeen ka sakow culimada iyo ganacsatada safaarada Soomaalida ee Kampla iyo madax ka socotay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa wasiirka beeraha Sheekh Axmed Bile iyo xildhibaan Ibi oo labadaba dano u gaar ah u soo gaaray Kampala halkaana kalimaad xog waran dalkii ka jeediyay, waxaa kale oo xafladaa u hadlay culimada Sh umal iyo Sh. Maxamed Qaasim iyadoo ganacsatada halkaa ay ka hadleen.

Shalay oo ahayd Isniina waxaa culimada qado sharaf u sameeyay jaaliyada Beesha Sade (Mareexaan) ee ugandha, ayadoo halkaa duco iyo kalimadba uu ka jeediyay Sh. Maxamed Umal.

Haddii allah yiraahdo waxaa Mutamarka la soo gabagabayn doonaa qaybta magaalada Kampla caawa, ka dibna talaadada beri ah iyo arbacada waxay culimada joogi doonaan Jinja iyo Empali oo aad ay u degan yihiin Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalkan iyo waliba arday badan oo dhigata jaamacada islaamiga ah ee Empali.thumbs_img-20150406-wa0019 1 thumbs_img-20150406-wa0013 thumbs_img-20150406-wa0014 thumbs_img-20150406-wa0015 thumbs_img-20150406-wa0016 thumbs_img-20150406-wa0017 thumbs_img-20150406-wa0018 thumbs_img-20150406-wa0019 thumbs_img-20150406-wa0020 thumbs_img-20150406-wa0021 (1) thumbs_img-20150406-wa0021 thumbs_img-20150406-wa0022 thumbs_img-20150406-wa0023 thumbs_img-20150406-wa0024 thumbs_img-20150406-wa0025 thumbs_img-20150406-wa0026 thumbs_img-20150406-wa0027 (1) thumbs_img-20150406-wa0027 thumbs_img-20150406-wa0028




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *