Muqdisho: Xoogagga Al-Shabaab Oo Maalintii 2-aad Gacanta Ku Haya Hawl-gallana Ka Wada Hoteelka Makkal Mukarrama

Muqdisho (RNN):- Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaal maalintii labaad galay oo ka socda gudaha hoteelka Maka Al-mukaramah ee magaalada Muqdisho.

Xoogag ka tirsan komaandoosta xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in weli uu dhismaha hoteelku gacantooda ku jiro. Waxaanay ku warrameen saraakiil ka tirsan dawladdu in tiro ka badan 30 ruux ay kor u dhaaftay dhimashadu..

Hoteelka oo xilligii weerarku ku bilaabmay ay ku sugnaayeen siyaasiyiin, saraakiil iyo xubno sar sare oo ka tirsan dawladdu, ayaa ilaa haatan ah mid weli ay ka socdaan dagaallaadu. Waxaana hawl-gallo xooggan ka wada xoogagga Al-Shabaab.

War-fidiyeenada qaar ayaa sheegaya in rasaas xooggani ay ka dhacayso gudaha Hoteelka, iyadoo ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dawladda FD-ku, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Alpha ay foodda gelin la’yihiin dhismayaasha Hoteelka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan hoteelka iyagoo gudaha hotaalka ka wada toogashooyin ay si toos ah ugu beegsanayaan xubno sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *