Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Laashay Guushii Uhuuru Kenyata

War rasmi ah oo kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Wadanka Kenya ayaa lagu sheegay in waxba kama jiraan ay tahay natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii madaxtinimo.

 

Maxkamadda Sare ee Kenya waxay sheegtay in musuq maasuq iyo wax isdaba marin ay hareysay inta badan codadkii la dhiibtay waxayna go’aamisay in 60 maalmood gudahood Doorashooyin cusub lagu qabto.

Go’aanka Maxkamadda kasoo baxay ayaa ka caraysiiyay taageerayaasha Uhuru Kenyataa waxaana durbadiiba dabaal degyo bilaabay taageerayaasha Xisbiga NASA ee Raila Odinga uu Hoggaamiyo.

 

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa ku eedeeyay guddiga doorashooyinka Kenya ee IEBC ku eedeeyay in uu dayacay shaqadii loo xilsaartay ee hufnaanta dhanka codadkii la dhiibtay.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *