Mas Laayay Askar 5 Askari Oo Itoobiyaan Ah & Dagaal Ka Dhacay Baardheere.

Muqdisho (Raacdo.com):- Wararka ka imanaaya degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo ayaa ku warramaaya in Mas weyni uu dilay askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

 

Maska ayaa askarta ku weeraray mid ka mid ah dhufeysyada Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Buurdhuubo.

 

Dhacdada oo dhacday maalinnimadii shalay oo sabti ahayd ayaa waxaa qaniinyada Maska sida la sheegayo ku dhintay Shan askari, halka ay si xun ugu dhaawacmeen 6 askari oo kale.

 

Dhanka kale dagaal xoog leh oo la isku adeegsaday hubka culus ayaa xalay ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo.

 

Ciidamada Al-Shabaab ayaa Ciidamada Itoobiya ku weeraray garoonka Baardheere lamana oga khasaaraha soo gaadhay Askarta Itoobiya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *