Mareykanka Oo Qirtay In Laga Dilay Sarkaal American Ah Oo Ka Garab Dagaalamayey Ciidamada Kenya.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganaysa Ilo-wareedyo American ah ayaa qiray in la dilay Zachary Allan Bannister oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka, xilli uu ka garab dagaallamayey ciidamada Kenya.

Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in sarkaalkan la dilay 17-kii bishii Oct. ee la soo dhaafay wakhti uu ku gudajiray howlihiisa shaqo balse waxay sheegeen in aan la haynin faafaahinno dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loo dilay.

Ilo-Wareedyadan ayaa sidoo kale tibaaxay in Maydka Sarkaalkan lagu arkay magaalada Nairobi balse aan la ogeyn halka lagu soo dilay iyo goobta laga keenay bakhtigiisa.

Zachary Allan Bannister ayaa ahaa sarkaal Ruug-cadaa ah oo ka soo dagaallamay wadamo badan oo uu ku jiro dalka Afghanistan, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa ciidamo American ah oo talooyin xagga dagaalka ah siinayey askarta Kenya.

Saraakiisha Mareykanka iyo warbaahintooda ayaa aad uga gaabsanaya in ay shaaciyaan cidda dishay sarkaalkan iyo goobta lagu beegsaday balse ilo-wareedyo dhanka Xarakada Al-Shabaab ah oo warbaahinta qaar soo xigatay ayaa waxay xaqiijiyeen in sarkaalkan iyo kuwa kaleba lagu dilay iska hor-imaayo bilooyinkii ugu dambeeyey duleedka Kismaayo ku dhexmarayey Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ciidamadii mareykanka ee hor-socodka u ah ciidamada Kenya iyo kuwa dawladda Somaliya.

Ciidamada Jabhadda ee xarakada Al-Shabaab gaar ahaan Jubbooyinka ayaa dhowr jeer weerarro dhabagal ah iyo qaraxyo ku beegsaday kolonyo ciidamo caddaan ah oo isugu jira American, Soomaali iyo Kenyaati oo xilliyada qaar weerarro ku qaada deggaanada dhaca duleedka Kismaayo ee ku jira gacanta xarakada Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale jira ciidamo American ah oo dhowr jeer ku fashilmay weerarro xilli habeenimo ah ay ku qaadeen deggaanada Xarakada Al-Shabaab, islamarkaana la sheegay in iyaga laftooda khasaare lagu gaadhsiiyey.

Dilka Sarkaalkan wuxuu imanayaa iyadoo dhawaan mareykanku uu qirtay in Soomaaliya ay ka joogaan 200 ilaa 300 oo askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano Navy SEAL Team 6 ee qaabilsan howlgallada gaarka ah, ayna Soomaaliya u joogaan talo-siinta iyo la-howlgalidda ciidamada Kenya iyo kuwa Somaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *