Mareykanka Oo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Islaamiga Dul-dhigtay 20 Milyan Oo Dollar.

Washington (Raacdo):- War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in lacago malaayiin dollar ah la dul-dhigay hoggaamiyaasha Dowladda Islaamiga ah ee maamula Ciraaq iyo Suuriya.

Wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha dibadda ayaa si wadajir ah u shaaciyey in lacag dhan 20 Milyan oo dollar la siin doono ciddii soo disha ama soo gudbisa macluumaad lagu dili karo 4 mas’uul oo mujaahidiinta dowladda Islaamiga ka tirsan.

Saraakiisha lacagta la dul-dhigay waxay kala yihiin Sheekh Max’med Al-Cadnaani Afhayeenka dowladda islaamiga ah, Abuu Cumar Alshiishaani, Daariq Alxarzi iyo Cabdi Raxmaan Mustafa Al-qaaduuli.

Mid kamida saraakiisha lacagta la dul dhigay ayaa lasoo shaqeeyay Abuu Muscab Al-zarqaawi amiirkii Tandiimka Al Qaacidda Faraciisii Ciraaq oo Mareykanku duqeyn ku dilay sanaddii 2006.

Al Qaaduuli ayaa lagu tuhmayaa in uu yahay dhaqaale-yahan IS usoo uruuriya lacagaha dibadda uga yimaad waana Nin galaangal badan ku dhax leh arrimaha dowladda islaamiga ah sida uu Mareykanku sheegay.

Ma aha markii ugu horraysay oo Mareykanka iyo xulufadiisa lacago dul dhigaan raggan oo kale, waxaase  sidan oo kale lacago u dul-dhigeen saraakiisha shabaabul Mujaahidiin, Al Qaacidada Jaziiradda Carabta iyo mas’uuliyiin kale.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *