Maraykanka Oo Sheegay Inay Dileen Hoggaamiyihii Kooxda Khuraasaan

Washington (Raacdo.com):- Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay inay dishay hoggaamiyihii kooxda ay ugu yeedhay  in la yidhaahdo “Khuraasaan” oo ka dagaalanta dalka Suuriya, kuna xidhan Ururweynaha Al-Qaacidda.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday dalka Suuriya Jimcihii lasoo dhaafay lagu dilay Cabdul-Muxsin Shaarikh “Sanaafi Al-Nasari” oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Sucuudiga, kana soo dagaallamay dalka Afghanistan.

Ilo ka tirsan Jabhatu Nusrah ayaa xaqiijiyay  in duqeyn ay geysatay diyaarad duuliye la’aan ah oo Mareykanku leeyahay in maalintii Jimcihii ay ku dishay deggaanka Al-Daana ee magaalada Xalab Cabdul Muxsin Shaarikh iyo laba ruux oo kale oo la socotay, waxaana duqeyntu ay dhacday xilli ay gaadhi saarnaayeen.

Warka kasoo baxay Mareykanka waxaa sidoo kale  lagu sheegay in Cabdul Muxsin Shaarikh uu yahay Hogaamiyihii Shanaad ee ka tirsan kooxda “Khuraasaan” oo dalka Suuriya lagu duqeeyo muddo Afar bilood gudahood ah.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa intaas uu kusii daray in Sanaafi Al-Nasri uu kaalin weyn ku lahaa maal-gelinta Jamaacaadka Jihaadiga ah ee ka dagaallama dalka Suuriya, isla markaana uu hagayay safarrada dagaalyahannada cusub ee laga soo qoro dalka Pakistan ee u jihaad doonta dalka Suuriya.

Maxay tahay Xaqiiqda Kooxda “Khuraasaan”?

Dowladda Mareykanku waxay horey dhowr jeer ugu cel-celisay in koox magacaas wadata ay ka dagaallanto dalka Suuriya, isla markaana kooxdaas ay hoos tagto  Ururka Al-Qaacidda, ayna qorsheynayso in weerarro ay ka fuliso gudaha dalka Mareykanka iyo wadamada kale ee reer galbeedka, hase yeeshee Amiirka Jamaacada Jabhatu Nusrah ee hogaaminaya faraca Mujaahidiinta Al-qaacidda u qaabilsan dalka Suuriya oo dhowr bilood ka hor wareysi siiyay Tv-ga Aljazeera ayaa beeniyay jiritaanka koox la yidhaahdo “Khuraasaan” oo dalka Suuriya ku sugan, isagoo xusay inay habboon tahay in Mareykanka la weydiiyo cidda kooxdaas hogaamisa iyo meesha saldhigga u ah, hase yeeshee waxaa jira Saraakiil iyo hogaamiyeyaal Al-qaacida ay u soo dirtay dalka Suuriya, kuwaas oo ka bar-bar dagaallamaya Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *